Masuuliyiin Ka Tirsan Golaha Wasiirada Oo Ka Qaybgalay Xafladda Furitaanka Carwo Ganacsi Oo Boorama Laga Furay

0
340

Boorama, Somaliland – Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland ayaa shalay Boorama kaga qaybgalay xaflad lagu furayey carwo ganacsi oo socon doonta dhawr maalmood.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, Carwadan gacansiga ee Boorama laga furay, shaki badanina ka taagnaa ayaa ah tii u horreysay ee laga furo gobolada dalka ee ka baxsan gobolka Hargeysa, iyadoo ay ku koobnaan jiray caasimadda.

Xafladda oo furitaankeedii ay ka soo qaybgaleen wasiirka Beeraha, Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil, wasiir ku-xigeenka Ganacsiga, Bashiir Cabdi Xariir, ku-xigeenka maamulaha Rugta Ganacsiga Somaliland, xisbiyada Mucaaradka, Salaadiin, Ganacsato, martisharf tiro badan, iyo dadweyne.

Furitaanka carwadan oo in muddo ahba suurta-galnimadeeda shaki ka taagnaa ayaa waxa ganacsigooda ku soo bandhigay qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee ka hawlgala Somaliland, iyo kuwa maxalliga ah.

Wasiirka Beeraha Cilmi Faarax Geedoole, iyo Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil oo munaasibadda furitaanka ka jeediyey hadaladoodii ugu dheeraa, ayaa guud ahaanba u mahadceliyey ciddii isku hawshay qabanqaabinta carwadan, iyo shirkadaha ka qaybgalaya, waxayna labada wasiirba khudbadahooda ku xuseen sida nabadgelyadu doorka uga ciyaarto horumarka, ganacsiga iyo nolosha dadweynaha, sidaas darteedna haddii aanay nabadgelyo jirin carwooyin iyo bandhigyo kaleba la iska illoobi lahaa, waxayna dadweynaha kula dardaarmeen inay adkeeyaan amniga cid kastoo ka shaqaynaysana kala shaqeeyaan.

Waxa kale oo iyaguna munaasibaddan ka hadlay musharraxa mansabka Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, isagoo hadalkiisa musharraxu ku xusay sida loogu baahanyahay in carwooyinku u noqdaan kuwa lagu soo bandhigo waxa dalka ka soo baxa ama wax soo-saarka dhinaca beeraha iyo wershedahaba, ganacsatada ka qaybgeleysa carwadanna ku tilmaamay inay yihiin uun dilaaliin wax dad kale iyo dal kale lagu sameeyey uun dilaalaya.

Waxa kale oo munaasibaddan ka hadlay masuulyiin ka socotay rugta ganacsiga, ururada dhallinyarada, ganacsatada, maayarka Boorama, salaadiin, aqoonyahanno iyo martisharaf kale, waxayna dhammaantood ka warbixiyeen faa’iidooyina carwooyinku u leeyihiin ganacsatada iyo dadweynaha.

 

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI