Hargeysa, Somaliland – Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Cabdilaahi Xasan Faarax, ayaa sheegay in ilaa kontomeeyo dhalinyaro ah la xukumay in ka badan labaatan dhalinyaro ahina xukun sugayaal yihiin.
Afhayeenka ayaa sheegay in xukuno kala duwan lagu xukumay, isla markaana u dhexeeyaan lix bilood ilaa saddex sanno oo xadhig, iyagoo lagu xidhi doono meeloka baxsan magaalooyinka lagu soo qabtay.
“waxaanu xabsiga Mandheera u dirnay illaa 53 dhalinyaro ah oo kuwii ugu waaweyna ku jira waxaana lagu kala xukumay siday dambigooddu kala ahaa oo qaar lix bilood qaar kalana saddex sano oo xadhig ah, waxaana la qabtya iyago fal dambiyeed kula dhex jira, waxa kale oo iyaguna xukun sugayaal ah 27 kale, halka kuwo kale lagu baadi jiro kuwaas oo u baxsaday tuulooyinka, insha alla la soo qaban doonno”ayuu yidhi Afhayeenka ciidanka Booliska Cabdilaahi Xasan Faarax.
Taliyuhu wuxuu sheegay in lagu soo eedeeyey rabshaddo abuur, dhac tukaamadda xaafadaha qaarkood iyo falal ka dhan ah amniga magaaladdda, waxaanay qaarkood si toos ah uga hor yimaadeen ciidanka amniga oo ay dagaal toos ah la galeen kuwaas oo isticmaalaya faashash iyo dhag xaaan.
“ waxa lagu soo eedeey Fawddo abuurin, khalkhalgalin amni iyo qaaducul dariiq iyo burbur meherado, waana niman usoo baxay fawdo abuur, waxaana kuwii la xukumay loo gudbiyey xabsiga Mandheera oo lagu edbin doonno waxaana lagu tallo jiraa in magalooyinka fog fog lagu hayo”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Afhayeenka waxa uu sheegay in hawlgalkan mar kasta socday laakiin waxa dhowan soo baxay dhalinyaro rabshaddo abuur ah oo dadka dhibaatooyin u geysanaya taas ayaa keentay in gacan bir ah lagu qabto.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI