Siraha joogtaynta xamaasadu waa 5 qodob kuwaas oo ah qaar kaa caawinaya joogtaynta xamaasadaada gudeed.
Hadaad sida ay yihiin ugu dhaqantana wax badan ka badalaya noloshaada iyo xamaasadaada gudeed,
Hadaba waxaan si kooban idiinku soo dhigi doonaa sharaxaad gaabana idinka siin doonaa 5-taa sirood.
1: Go’aan Qaadasho: qodobkani waa ka ugu horeeya siraha joogtaynta xamaasada, go’aanso inaad ahaato mid joogteeya xamaasadiisa, la’aantiina aanay suurto gali Karin hawl la qabanayaa, waayo hadaanay go’aan qaadasho jirin waxba ma ma qaban kartid.
Waa inaad qaadataa go’aan ah inay tahay xilligii aad hoos u dhigi lahayd cabsida iyo niyad jabka taas oo kaa caawinaysa inaad ahaato mid u xamaasadaysnaada si joogto ah, taas oo aan ahayn mid aad meel ka baranayso laakiin ay tahay midaad ka samaynayso maskaxdaada gudaheeda.
Dhiiri galintu waxay ka bilaabmataa go’aan aad ku qaadato inaad naftaada dhiiri galiso adigu intaanay cid kale dhiiri galin ku siinin waayo hadaanad naftaada wax u qaban adigu cid kale waxba kuu qaban kari mayso.
2: Qorshe: Qorshe la’aan wax walba way isku qasmaan cuslayskoodana yeeshaan, yeelo qorshe qeexan oo ku qotoma waqtigaad haysato, qor waxaad doonayso inaad noqoto, sidaad doonayso inaad u gaadho, habkaad ula tacaalayso wixii kaa hor yimaada iyo waliba goortaad rabto inaad gaadho, waayo inaad qorshe lahayni waxay ka dhigantahay sidii qof ku ciyaaraya garoon bilaa biro ah taas oo macnaheedu yahay inaad garanynba waxaad doonayso inaad noqoto.
Qorshahaagu wuxuu kaa caawinayaa inaad ahaato mid xamaasadaysan mar walba una hamuun qaba inuu gaadho halkuu rabo.
3: Ficil iyo rumaysasho
Tani waa talaabada ugu muhiimsan ee aad qaadayso waayo hadaanad ficil la iman waxba suurto gal kuu noqon maayaan waayo hawl qabashadeedu waxay ku xidhantahay inaad u dhaqaado oo aad qabato adigoo aaminsan inaad ku guulaysanayso kaana soo go’day, dhammaan qodobadani waa qaar aanay midna midka kale la’aanteed shaqayn Karin.
Waxaad wax u samaysaa si aad xamaasad uga hesho laakiin xamaasad ma heshid si aad wax u qabato. Ficilkaad qabanayso waa inuu noqdaa mid kolba hawsha xiligaas taagan la jaanqaadaya oo aanad dib u dhigin waxaad maanta qaban karayso barri, ama se waxaad qaban karayso todobaadkan inaad ka kale dib ugu dhigto.
Inaad wax dib u dhigtaana waa jabka ugu horeeya ee qofku xamaasadiisa ku waayo, waayo kol hadaabad wax dib u dhigto waxaad jabisay qayb ka mid ah awoodadii xamaasadeed ee aad wax ku qaban lahayd.
4: U dhaqan sidii aad Guul Gaadhay Oo Kale: inaad u dhaqanto inaad gaadhay guul maaha wax kaaga baahan inaad hawlo culus qabato, kaliya waa inaad sawrataa inaad tahay cidaad doonayso inaad noqoto, tusaale ahaan{ hadii aad rabto inaad noqoto Macalin, waa inaad carruurta kaa yaryar wax u dhigtaa una noqotaa macalin,waa inaad barata habka macalinku u dhaqmo adiguna samaysaa, waa inaad barataa habka iyo hanaanka casharada loo gudbiyo ama sabuurada wax loogu qoro.}
Inaad u dhaqanto habka iyo hanaanka cida aad doonayso inaad noqotaa waxa kaa caawinaysaa inaad gaadho halkaad rabtay waayo wax aan lagu dhaqmin way adagtay inaad gaadhaa.
Noqo birlab soo jiidata guusha adigoo u dhaqmaya sidii aad noqotay cidaad doonayso inaad noqoto markasaad guul gaadhiye.
Kaagama baahna inaad guul gaadhaa lacag laakiin waxay kaaga baahantahay inaad maskaxda ka aaminto inaad qaban karayso oo aad gaadhay.
5: Sawrasho: qodobkani waxa uu sheegayaa inaad sawrato mar walba halkaad doonayso inaad gaadho, waayo hadaanad arkayn halkaad rabtay inaad gaadho oo aanad maskaxda ka aqbalin kana sawran wadadaad doonayso inaad marto way kugu adkaanaysa inaad gaadho meeshaad rabtay oo aad noqoto cidaad u heelanayd inaad noqoto.
Ka fikir adiga oo gaadhay meeshaad rabtay deetana dib u yar eeg hawlahaad soo qabatay ee aad ku guulatsay, tusna naftaada oo ka dhaadhici inaad qaban karto wax walba, hawshana ay tahay mid fudud oo aad ugu guulaysan karto sidaad kuwii horeba ku soo guulaysatay, hadaad si joogto ah oo maalinle ah u samayso sidan waxa hubaal ah inaad is arki doonto adiga oo dul jooga xariiqdii guushaada.
Sawro sawr qeexan oo ah cidaad rabto inaad noqoto si aad u ahaato mid dhiiran mar walba.
Waxaad samaysataa deegaan ku dhisan sawrasho waxaad doonayso inaad noqoto ah, kaas oo maskax ahaan ku dajin doona kaana dhigi doona mid xamaasadaysan mar walba.
Hadaan intaas kaga imaado siraha joogtaynta xamaasada waxa inagu waajib ah inaan qodobadan u raacno habkay iskugu xigaan, waxa hubaal ah inaynu isku arkayno isbadal togan oo nolosheena ku soo biiray iyo waliba hoygii guusha oo aynu albaabkiisa intaynu furnay aynu dhex galnay kalana dhex baxayno waxyaalahaan u baahnayn oo dhan.
Xamze Siciid Kuuriya/Dhiirigaliye Nololeed
{ Buuga 5 Sirood ee Dhiiri Galinta} Book of 5 Secrets of Motivation
By Matt Levenhagen Copyright 2015