Mudanayaal Ka Tirsan Labada Aqal Ee Dalka Maraykanka Oo Dhexda u Xidhay Arrinta Shirkadaha Xawaaladaha Ee Soomalidda

0
311

2015276355887375928560601Keith ellison

Minneapolis, Minnesota USA – Xildhibaanno iyo wakiillo ka kala tirsan labada aqal ee dalka Mareykanka ayaa waraaq saxaay sidii loo bad-baadin lahaa adeegga xawaaladaha ee Soomaaliyeed iyo sidii hay’adaha kala duwan ee dalka ay uga qayb qaadan lahaayeen ka hortagga maasiibada ka dhalan karta haddii la xidho adeegaas.

Waraaqdan oo qoraal ah oo ay ku saxiixan yihiin 12 xildhibaanno iyo wakiillo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ah ee ka tirsan yahay madaxweyne Obama, ayaa uu direy xoghayaha arrimaha dibadda John Kerry, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha ammaanka Susan Rice, xoghayaha maaliyadda Jacob Lew iyo masuuliyiinta ugu saraysaa hay’adda hanti dhowrka qaranka, xisaabaadka iyo canshuuraha., iyagu ka codsaday iinay isugu yimadan kulan deg-deg ah sidii looga wada hadli lahaa arrinta shirkadaha xawaladaha ee Soomaalida.

201527635588738235903183Amy Klobuchar

“Dhibaato xoog leh ayaa ka dhalan doonta haddii la xiro adeegyada isgaarsiinta lacagaha loo diro Soomaaliya,” nuqul ka mid ah ku qornayd waraaqdii ay saxexeen xildhibanadu.

Madaxdan ayaa qoraalkooda ku sheegay in sanad kasta ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Mareykanka ay diraan 215 million oo Dollar, waxayna sheegeen in lacagtaas ay ku nool u yihiin 73% shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo u isticmaala nolol maalmeed-kooda, maadama aysan jirin ilo kale oo dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin.

“Xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya waa ka dari doontaa haddii ay istaagto lacagtaas,” ayay sii raaciyeen.

Xubnahan ayaa aaminsan in in wasaaradda arrimaha dibaddu ay abuuri karto hab ku meel gaar ah ay xawaaladahuhu ku shaqeeyaan, si aanu adeegaas gebi ahaanba u dhammaan, isla markaana aysan u billaaban musiibo aan la xallin kariin ee dhinacyada ammaanka qaranka iyo dhaqaalahaba.

201527635588738051537235Al_Franken 201527635588737750545160Adem Smith

Xubnahan oo badankood laga soo doortay gobolka Minnesota oo ay ku nool yihiin tirada ugu badan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed, ayaa waxaa ugu horeeya Keith Ellison oo muddo hawshan soo waday ee arrimaha xawaaladaha Soomaalidaa, waxaa kalo ka mid ah Senator Amy Klobuchar (Minnesota), Senator Al-Franken (Minnesota), Senator Sherrod Brown (Ohio), Rep. Maxine Waters (California), Erik Paulsen (Minnesota), Stephen F. Lynch (Boston, Massachusetts) , Juan Vargas (California), Barbara Lee (California) ,  Adam Smith (Washington), Chellie Pingree ( Maine), Gwen Moore (Wisconsin).201527635588738471017899Sherrod Brown 201527635588738656593874Chellie_Pingree