Xukuumadda Zimbabwe Oo Beenisay in Madaxweynahooda Mugabe Xambaarooday

0
343

Harare, Zimbabwe – Xukuumadda dalka Zimbabwe, ayaa sheegtay in Madaxweyne Robert Mugabe oo 90jir ahi, aanu ka dhicin jaranjaro ku taal madaarka dalkaas oo aanu xambaaroonin ama kufin, iyagoo xusay in uu Madaxweynuhu iskii isku maamulay oo uu is-qabtay.

Zimbabwe Mugabe Fall

Wasiirka Warfaafinta Johathan Moyo, ayaa shalay Khamiistii waxa uu tusaaleyaal u soo qaatay hoggaamiyeyaal dunida ah oo xambaarooday ama kufay oo uu ka mid yahay Madaxweynihii Maraykanka George W. Bush, isagoo isku dayaya inuu dafiro inuu Mugabe ka dhacay jaranjarada Madaarka Harare maalintii Arbacadii.

“Waxa dhacay waxa uu ahaa in Madaxweynuhu ku turunturooday roogii casaa ee jaranjarada ku goglanaa, balse uu si mucjiso ah u maamulay inuu is-qabto oo aanu dhicin” sidaas waxa wargeyska dawladdu leedahay ee Herald u sheegay wasiirka Warfaafinta Mr. Moyo, waxaanu raaciyay “Waxaan ku celcelinayaa in Madaxweynuhu iska qabtay inuu dhaco,” waxaanu Moyo xusay inaanay jirin wax caddeyn ah oo muujinaysa in Madaxweynuhu xambaarooday.

Goobjoogayaal ku adkaystay inaanu la magacaabin sababo la xidhiidha ammaanka darteed, ayaa sheegay inay arkeen Mugabe oo kufay kadib markii uu ka baxayey Madaarka Arbacadii. Sidoo kale Sawir-qaadayaasha Warbaahinta ayaa sheegay in lagu khasbay inay kamaradahooda inay ka masaxaan sawirada muujinaya xambaarada Mugabe, laakiin sawiro iyo muuqaal fiidyow ah oo ay heshay Wakaaladda Wararka ee AP, ayaa muujinaya Madaxweynaha oo kufay ama xambaarooda, isla markaana gacmaha iyo jilbaha dhulka dhigay, iyadoo kadibna si degdeg ah loo taageeray loona gaadhsiiyay gaadhiga uu raacayay oo markiiba dhaqaaqay.

Wargeyska Herald ayaa sidoo kale soo daabacay dhawr sawir oo muujinaya hoggaamiyeyaal caalami ah oo iyaguna ku xambaarooday, kuwaas oo ay ka mid yihiin laba Madaxweyne oo dalka Maraykanka ah oo kala ah George W. Bush iyo Gerald Ford, Ra’iisal-wasaarihii hore ee Australia Julia Gillard iyo Boqoradii Isbayn ee Sofia.

Madaxweyne Mugabe ayaa 21-ka bishan February 2015, noqonaya 91jir, ayaa la hadlayay taageerayaashiisa kadib markii uu ka soo laabtay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo loogu soo cumaamaday guddoomiyaha 54-ka dal ee Midowga Afrika.

Mugabe ayaa talada dalka Zimbabwe hayey tan iyo sannadkii 1980-kii, waxaanay Saraakiil dawladda Zimbabwe ka tirsani sheegay in Madaxweynuhu sannad kasta bisha January uu fasaxiisa ku qaato dalal Aasiya ku yaal oo ay ka mid tahay Singapore, halkaas oo uu ku booqday dhakhtarada takhasuska u dhinaca aragga ama indhaha.