Urdun Oo Weeraro Cirka Ah Oo Cusub Ku Qaaday Goobaha Ay Ku Sugan Yihiin Daacish

0
356

Amman, Jordan – Diyaaradaha dagaalka ee Urdun ayaa shalay khamiistii duqeyn cusub u geystay goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanka Daacish ama IS, sida uu baahiyay Telefiishanka Dawladda, kadib markii Boqorka Urdun ku dhawaaqay in dagaal qadhaadh kala hortegi doonaan dagaalyahanka Daacish oo gacanta ku haya dhul aad u ballaadhan oo ka tirsan dalalka jaarka la ah ee Suuriya iyo Ciraaq.

Milateriga Urdun ayaa xaqiijiyay weerarada dhinaca cirka ah ee ay qaadeen, balse may bixin wax tafaasiil ah. Inkastoo Telefiishanka dawladdu oo soo xiganaya ilo-wareedyo milateri uu sheegay in weeraradaas lala beegsaday goobo ay ku sugan yihiin dagaalyahanka Daacish, haddana muu sheegin dalka ay goobahaasi ka tirsanaayeen.

Boqor Cabdullaah II ayaa ku hanjabay inay dagaal qadhaadh la geli doonaan kooxda IS, kadib markii ay dagaalyahankani nolosha ku gubeen Maxbuus ahaa Baylood Urdun u dhashay, kaas oo muuqaal ay ka duubeen iyagoo qafiskii uu ku jiray ku gubaya isagoo nool, ay ku baahiyeen dunida, taas oo gobolkaas ka abuurtay cadho badan.

Boqor Cabdullah ayaa khamiistii mar uu tuulo ku taal koonfurta dalka Urdun tacsi ugu tegay qoyska duuliyaha la gubay, waxa uu farta ku fiiqayey diyaarado dul haadayey tuuladaas, isagoo markaas garab fadhiya Aabihii dhalay duuliyaha daacish gubtay, waxaanu u sheegay in diyaaradahaasi wakhtigaas ka soo laabteen weeraro ay ku soo duqeeyeen magaalada Raqqa oo ah xarunta ay kooxda Daacishtu ku magacaabeen inay caasimad u tahay dawladooda Islaamiga ah, iyadoo sidoo kalena duuliyaha la dilay lagu qabtay meel u dhow Raqqa, kadib markii diyaarad nooceedu ahaa F-16 oo uu wadday, ay kula dhacday halkaas.