Dubai, UAE, February 6, 2015 – Ururka Al-Qaacida ayaa shalay shaaca ka qaaday in weerar ay fulisay diyaarad ah nooca aan duuliyuhu waddin oo Maraykan ahi ku dishay dalka Yemen nin magaciisa la yidhaahdo Xaaris al-Nadhari oo ka mid ahaa madaxda sare ee ururkaas isla markaana ku baaqay weeraro dheeraad ah oo lagu qaado Faransiiska kadib dhacdadii lagu weeraray bishii hore Xaruntii Wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Paris.
Nadhari iyo saddex nin oo kale oo ka tirsan Kooxda Al-Qaacida ee ka dagaalanta Jasiiradda Carabta ayaa lagu dilay weerar ay bishii ina dhaaftay ee January 31-dii, diyaarad bilaa duuliye ah oo Maraykanku leeyahay ku qaaday baabuur ay saarnaayeen oo ku sii jeeday gobolka Shabwa ee koonfurta Yemen, sida kooxda Al-Qaacida ee Jasiirada Carabtu ku sheegtay boggeeda internet-ka ee Twitter.
Kooxda Al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta oo loo soo gaabiyo AQAP, ayaa saddex nin ee gaadhiga kula dhintay Nadhari ku kala sheegtay Siciid Bafaraj, CabdelSamiic Al-Haddaa iyo Cazzam Al-Xadrami.
Ilo ka tirsan Qabaa’ilka deegaanka degan ayaa laga soo xigtay inay arkeen afartaas qof oo ku dhex gubtay gaadhigii ay saarnaayeen kadib markii diyaaradda aan duuliyaha lahayn duqeysay.
Sidoo kale kooxda AQAP ayaa sheegay in weerarkani ka dambeeyay war-saxaafadeed ay dawladda Maraykanku ku sheegtay inay iskaashi dhinaca war-doonka ah la yeelanayso Xuutiyiinta Shiicada ah oo dagaal kula jira Sunniyiinta iyo kooxda Al-Qaacida, dhowaana la wareegay caasimadda dalka Yemen.