Muwaadin U Dhashay Somaliland Oo Norway Ku Dilay Xaaskiisii

0
360

Oslo, Norway, February 6 – Muwaadin u dhashay dalka Somaliland ah ayaa habeenkii khamistu soo galaysay ku dilay magaalo yar oo ku taalla dalka Norway xaaskiisii oo 39 jir ahayd, taasoo la yaab ku noqotay Soomaalida dalkaas ku nool, iyagoo arrintan si aad ah u hadal-haya.

Hooyada la dilay ayaa da’deeda lagu sheegay 39-jir, lix carruur ah u dhashay ninkaasi dilay, waxaanu ninkii dilka geystay isku dhiibay markiiba Ciidamadda Amniga Norway, kuwaas oo caruurtina la wareegay, isla mrkaana su’aallo ku waydiinay gacan ku dhiiglahaasi.

BA86054

Eedaysanahan ayaa dhamaan wixii uu guriga uu uga baahnaa ka qaatay ilaa Cadaygii, waxaana u toos isku geeyey saldhiga ku yaalla magaaladda, waxaanu u sheegay inuu xaaskiisii soo dilay, isla markaana uu doonayo in la xidho.

Booliska magaalada dilkan uu ka dhacay ayaa markaas kaddib tagay gurigii uu falkaasi ka dhacday, iyagoo xaqiijiyay in ninkan uu gacantiisa ku dilay xaaskiisii.

Ninkan Soomaaliga ah oo aan magaciisa la shaacin ayaan ilaa hadda la ogeyn sababta ka dambeysay inuu dilo xaaskiisii iyo carruurtii ay u dhashay, iyadoo haatan ay gacanta ku hayaan booliiska dalka Norway.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI