Maayarka Hargeysa Oo Digniin U Diray Gaadiidleyda Olole Waddo Banayn Ahna Ka Bilaabay Waraabe Salaan

0
351

OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

Hargeysa, Somaliland – Maayarka Hargeysa oo maalmihi u dambeeyey ku hawlannaa wadda Banayn, ayaa shalay ololle jidad cusub loogu samynayo xaafadda Waraabo salaan ee degmadda Gacan libaax ee magaladda Hargeysa ka bilaabay.

Sidoo kale, waxa uu maayarku dhagax dhigay Bunddo cusub oo isku xidhi doonta xaafadahan Waraabo salaam oo muddo dheer kala xidhnaa, isla markaana wakhtiga Roobabku da’ayaan aan la isku gudbi jirin, waxaanu soo dhoweeyey sida wanaagsan ee ay dadweynaha xaafaddani ula shaqaynayaan dawladda hoose, isla markaana diyaar ugu yihiin inay wadooyin fiican hellaan.

Maayarka ayaa u ballanqaaday inuu ka baahi tiri doono xaga jidadka, isla markaana jidid cusub ka hirgalin doonno xaafadan, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Aad baan idinku mahad celinaya sida wanaagsan ee aad ugu diyaar garowdeen inaad wax la qabsataan dawladiina, halkaasi aan soo marnay ee laagta ah xaafad dhan oo ka shisheesa way ka xidhan tahay magaaladda la iskuma talaabi jiirn wakhtiyadda Roobabka waxaana idin ballanqaadaya in buundaddaasi dhisno, isla markaana idinku ka qaybqaadataan ololaha loogu jiro jidad samaynta oo qayb libaaxle ka qaadataaan”.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Sidoo kale, Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa digniin ka soo saaray Saliidda Injiinadda ee gaadiidleydu ku shubaan dhulka, waxaanu sheegay in gaadiidkii lagu arko isagoo dhulka ku shubaya la ganaaxi doonno, haddii uu ku celinaya gaadidkiisa lala wareegi doono.

Maayarku waxa kale oo uu qaybiyey boqolaal Boosto oo la dhigi doono qaybo kala duwan oo magaaladda ka mid ah si loogu shubo saliidda Injiinka  baabuurta laga bedelo ee dhulka lagu shubi jiray

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

“Ilaalinta Deegaanku waa shayga ugu muhiimsan nolosheena, labaatan sanno ka soo bixi maayo geed meesha Saliid Injiin lagu daadiyo,waxaan leeyahay dadweynaha u hogaansama in saliidaasi ku shubtaan Boostooyinkaaasi la idin diyaariyey ka dibna idinka soo qaaadaan gaadiidka la idinkula tallo gallay ee dawladda hoose u diyaarisay iyadoo meel iskugu geyn doonnto, waxaan leeyahay Gaadiidka iyo Geerashada waa inaad saliidaasi ku shubtaan Boostooyinkaasi la idin diyaariyey, hadii kale gaadiidkii dhulka ku shubu la ganaaxi doono milyan iyo shan boqol haddii uu ku celinaya lala wareegi doonno gaadiidkaasi”ayuu yidhi Maayarka oo ka hadlaya foostooyin ay u diyaariyeen Saliidda gaadiidka laga bedelo.

maayarka 444

 

Dhinaca kale, waxa uu Maaarka Caasimaddu sheegay in ay dawladda hoose usoo iibiyaan gaadiid cusub oo nooca Bajaaj loo yaqaan, kuwaas oo suuqa iyo wadooyinka muhiimka ah ka guri doona qashinka fudud ee lagu daadiyo.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda hoose ee caasimadda ayaa baryahan dambe olole balaadhan oo jidid cusub laga yagleelayo caasimadda ka bilowday caasimadda, isla markaana kor u qaadaysa bilicda magaaladda si ay uga mid noqoto caasimadaha aduunka.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI