Halkee Ay Ku Danbeeyeen Shirkadihii Sahanka Shidaalka Ee Bariga Somaliland Dib Uga Gurtay?

0
335

deal

Hargeysa, Somaliland – Shirkada sahaminta xaga shidaalka ka wadda bariga Somaliland ee DNO, ayaa soo saartay warbixin sanadeed ay kaga hadlayso sahanka ay ka waddo Somaliland iyo Ciidamadda gaar ah ee loo tobabaryo ilaalinta sahamintaasi.

Shirkadan sahaminta shiidaalka ayaa Somaliland heshiisaa la gashay bishii April 24 2013 oo mudooyinkii u dambeeyey sahamin ka waday Block 18 oo Somaliland qandaraas ku siisay.

Warbixinta shirkada DNO ayaa lagu sheegay inay dhamaysay sahamintii ay ka waday lakabka SL 18 iyo qiimeynta deegankaasi ay ka wadday, waxaanay sheegtay inay xukuumada ka sugayso dhamaystirka ciidamada ilaalada gaarka ah ee Oil Protection Unit (OPU) oo ka taageeraysa dhinaaca qaniimooyinka seismic oo ah qaybta labaad.

“Lakabka SL 18 barriga Somaliland, ayaa la dhamaystiray laba qaybood oo kala ah qiimaynta baaxadda dhulka iyo qaniimooyinka seismic deeganka ay waxyeelada ku yeelanayso xog badan laga ururiyey. Xukuumada Somalilandna waa ay ku hawlantahay fulinta ciidamada ilaalada gaarka ah Oil Protection Unit (OPU) oo naga caawinaysa sahaminta qaybihiisa labaad.” Ayaa lagu yidhi Qayb ka mid nuqulka warbixin sanadeedka shirkada DNO ee sanadkii 2014.

deal1

Xukuumada Somaliland ayaa ku dhowaaqday inay samayneyso ciidamo ilaalin doona shaqaalaha iyo hawlaha ay shirkadaha ajaanibka heshiiska ay la gashay, waxana arrintaasi ku timid ka dib markii shirkada Genel Energy oo hawlaheedi shaqo ku joojisay sababo la xidhidha amaanka awgeed, ila imikana dalka aanay uga soo noqon.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI