Dawladda Maraykanka Oo Lacag Dhan $14.4 Milyan Ugu Deeqday Dalka Ukraine

0
303

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay lacag dhan $14.4 milyan oo gar-gaar bani’aadanimo ugu deeqayso dalka Ukraine oo dhibaatooyin ay sababeen dagaalo ba’an oo ka socda dalkaas keeneen xaalad adag oo dhanka bani’aadamka ah.

Xog-hayaha arrimaha dibada dalka Maraykan mr. John Kerry oo booqasho ku tagay dalkaasi ayaa dowladda Ruushka ku dhaleeceeyay gardarada ay wali ka wado bariga dalka Ukraine ka dib war-saxaafadeed ay wadajir u wada qabteen Madaxweynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko ayaa mr Kerry ka digay in dowladda Maraykanku aanay indhaha kaa laabanayn hubka taangiyada ah iyo ciidamada ay dowladda Ruushku ka soo talaabinayso dhanka xadka.

Hadalkan laguma sheegin suurtagalnimada ciidan ay dowladda Maraykanku ku caawiso Ukraine taas oo ay dowladda Ruushu hore uga digtay khatarta ka dhalan karta ciidamo uu Maraykanku ku caawiyo Dalka Ukraine si ay uga barbar dagaalamanaan ciidanka Ukraine ee hujuumka ba’an kula jira xoogaga taageerada ka helaya Ruushka ee dagaalka kula jira dowladda Ukraine.

Dhanka kale af-hayeenka arrimaha dibada Ruushka ayaa sheegay in Madaxweyne Putin uu diyaar u ahaa wadahadal wax lagu dhisi karo oo lala sameeyo hogaamiyeyaasha reer Yurub sidoo kalena ay dowladda Ruushku diyaar u ahayd wax kasta oo ay karto si loo caawiyo dib u xalin laga gaadho dagaalada ka socda Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Putin ayaa ku eedeeyay dowladda Ukraine inay u isticmaalayso hub khatar ah aaga dagaaladu ka socdaan kaas oo saameyn ku yeelanaya kooxaha ka soo horjeeda.

Ilaa bishii April ee sanadkii tagey Tirada dadka ku dhintay dagaaladan ka soconaya Ukraine ayaa lagu sheegay in ka badan 5,000 oo ruux