Doorasho xiligeedii ku qabsoonta iyada tuur taa. Komishanka Doorashooyinka in kasta oon anigu ka mid ahaa dadkii ka biyo diiday markii hore, gaar ahaan markii ay dhexdooda iska doorteen ee gudoomiyaha, ku xigeenka iyo af hayeenku ba ay noqdeen xubnihii dhinaca dawladda laga soo xulay kuwii mucaaridkana laga tegay, hadana aniga marka ugu horeeysa doorasho-doon iyo doorasho-diid ayaa la iigu kala qaybsan yahay. In kasta oy muddo yar joogeen hadana waan ku qanacsanahay inay doorasho doonka ka mid noqdeen oo inta karaankooda ah ay ka go’antahay inay doorashadu ku qabsoonto wakhtiga ugu horeeya ee suurtogal ah. Marka aan tayo ahaan barbar dhigo komishanadii hore oo dhamaantood aanu soo wada shaqaynay waxan u arkaa inay ka heer sareeyaan.
Anigu waxan hore u qoray maqaal aan u magac bixiyay ” KOMISHANKA CUSUB ANIGU MAAN BAARIGIN” kaas oo aan ku soo gunaanaday ” waxanu wax ugu qaban doonaa hadba wixii aanu ka aragno” . Waxan ka arkay dadaal, aqoon, waayo aragnimo dhinca maaraynta iyo hogaamintaba ah iyo weliba daacadnimo si cad uga muuqata. Waxay fahamsan yihiin xaaladda dalka iyo baahida loo qabo badbaado qaran taas ooy arkayaan inay ku iman karto doorashooyin xor iyo xalaal ah taas oon la heli Karin hadii iyagu aanay dhex u noqon inta ku tartamaysa saaxadda ay iyagu siidhiwalaha ka yihiin. Waxan welwel wayn ka qabaa waxa ay kala mudan doonaan doorasho diidka awooda badan ee madaxtooyada, xukuumadda, iyo wakiilada dhex fadhfadhiya ee bud la yuururka ah ee u tafo xaydan in ay fashiliyaan dadaal kasta oo ku wajahan inay doorasho ka qabsoomi karto dalka muddo kordhin laba sanadood ahna doonaya inay cid walba ku sanduleeyaan, xataa komishankan cusub. Sida aynu ognahay doorasho diidka waxa laga hagaa madaxtooyada oo waxa haga kooxda maadaxtooyada oo iyagu ku takri fala awooda Madaxwayne Axmed Silanyo oo hada isagu intaa la soo taagan inu doonayo inay qabsoomaan doorashooyinku lakiin taasi waa marka ay afka tahay laakiin marka ay ficilka tahay doorash diid ah.
Si kastaba xaalku ha ahaado eh hadii Madaxwaynaha laga helo inu si buuxda u taageero dadaalka Komishanka inta isaga ugu dhaw ee awoodihiisa adeegsatana uu ka qaban karo anigu wax shaki ah Kama qabo Komishankani in ay suurtogelin karaan doorasho xor iyo xalaal ah inta karaankoodu yahay. Markaa waxan leeyahay ha la wada garab galo oo hareeraha ha lala qabto kooxda sharkana ha laga ilaaliyo hagardaamooyinkooda.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI