Taliyaha Booliska oo shaaciyey Cid Gaar ah oo lagu bar-tilmaameedsanayo Hawl-gallada Caasimadda

0
350

Hargeysa (CH)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in hawl-gallada Ciidamada Ammaanku ka fulinayaan magaalada Hargeysa aanu ahayn mid ka dhan bulshada ku dhaqan caasimadda, balse ay yihiin qaar lagu bartilmaameedsanayo kooxo uu sheegay inay halis ku yihiin ammaanka oo la garanayo, kuwaas oo qaarkood gacanta ugu jiraan ciidamada Booliska.

Hawl-gallada lagu sugayo ammaanka Caasimadda oo muddooyinkii u dambeeyey la xoojiyey iyada oo lagu bartilmaameedsanayo kooxo dhalinyaro ah oo ku dagaalama xaafadaha magaalada iyo budhcad xilliyada habeenkii jidadka iyo xaafadaha magaalada ka geysata boob iyo dil, ayaa wal-wal ku abuuray dadweynaha caasimadda oo cabsi ka qaba in ciidamada boolisku ku khaldamaan oo raaciyaan dhalinyarada baadi-doonkooda lagu daba-jiro.

Taliyee FadalHaseyeeshee, Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu bulshada ugu bushaareeyey inaanu ahayn hawl-galku mid cid walba ku wejahan balse lagu bartilmaameedsanayo cid gaar ah oo uu sheegay in magacyadooda la garanayo, waxaan yidhi, “Hawl gallada adag ee Caasimada ka socdaa, waxaan idiin sheegayaa in hawl galkaasi socon doono oo uu yahay mid aan joogsanayn, anigoo aad iyo aad ugu amaanaya Ciidanka Booliska talaabooyinka ay qaadeen. Maaha cid walba cidda Boolisku qabanayaa, waxa la qabanayaa cidda ka midka ah Kooxaha khatarta ah oo hebel iyo hebel loo garanayo oo kuwii ugu waaweynaa oo dhawr iyo toban ah Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen, Sharcigana la horgayn doono.”

Taliye Fadal oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay gacanta ku hayaan dhalinyaro tiro badan oo loo dhaadhiciyey Xabsiyada dalka, waxaanu yidhi,  “Sidii aanu hore u sheegnay 53 ayaa Xabsiga Madheera loo diray, kuwanna Xabsiyada la gaynayaa way ka durugsanaan doonaan.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Waxaan halkan Bulshada reer Somaliland uga sheegayaa anigoo u mahadcelinaya in Cidkasta oo Nabadgalyada qaranka waxyeelaysa Ciidanka Boolisku gacan adag oo bir ah ku qabanayo,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

Dhalinyaro kooxo u dagaalanta iyo budhcad xilliyada habeenkii dhac iyo dil u geysta dadka, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanayey caasimadda, waxaanay taasi keentay in ciidamada booliska oo kaashanaya Guddiyada Nabadgelyada ee Xaafaduhu ay ka hawl-galaan sidii loo xakamayn lahaa falalka amni-darrada ah ee waxyeellada u geysanaya bulshada, iyada oo shirar kala duwan oo ay isugu yimaaddeen guddiyada Nabadgelyada iyo hay’adaha Ammaanka lagu go’aamiyey in gacan-bir ah lagu qabto, xukunno adagna la mariyo cid kasta oo khatar ku ah xasiloonida iyo ammaanka caasimadda.