Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Sh. Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaadhay Muqdisho, kuwaas oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Gaas iyo Madoobe ayaa sheegay inay Muqdisho u yimaadeen sidii ay madaxda Somalia oo ay kala hadli doonaan horumarinta dalka iyo sidii xidhiidhka dowladda dhexe iyo maamullada gobollada dalka ka jira loo xoojin lahaayeen.
Cabdiweli Gaas oo saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay in Muqdisho ay u yimaadeen sidii ay wadatashi siyaasadeed madaxda Soomaaliya ula yeelan lahaayeen, islamarkaana ay dhawr maalmood joogayaan Xamar.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe oo warbaahinta si aad u kooban ula hadlay ayaa sheegay in socdaalkooda uu salka ku hayo sidii ay wadahadallo ula yeelan lahaayeen madaxda dalka , isla-markaana kala hadlaan sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka maamullada dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya u dhexeeya.
Hoggaamiyayaashan ayaa waxa garoonka diyaradaha Muqdisho kaga hor-tagay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, iyadda oo imaanshahooda uu kusoo beegmayo xilli la filayo in Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid uu goor-dhow ku dhawaaqo gole wasiirro.