Jabuuti Oo Dacwad Socotay Shan Iyo Toban Sano Ku Heshay Shirkadda Totol

0
302

Djibouti, Djibouti – –wargeys dhinaca dhaqaalaha ee ku hadla luuqada Faransiiska ee loo yaqaan Economie Jeaunafrique, ayaa sheegay in dawladda jabuuti dacwad ka dhan ah shirkadda Total oo socotay muddo Shan iyo toban sanno ah lagu xukumay ganaax badan ka dib markii lagu helay inay shirkaddu wasakhaysay deegaanka u dhow dhow dekadda Jabuuti.

Dacwadan ayaa socotay muddo Shan iyo taban snno ah, waxaana wasaaradda deegaanka Jabuuti ku eedeysay shirkadda TOTOL ee Faransiiska oo muddo dheer ka shaqaynayay dalka Jabuuti inay mid ka mid ah dhuumaha shiidaalka ee Badda ka soo qaata waxyeello soo gaadhay taas oo wasakhaysay deegaanka u dhow dhow dekaddaaasi.

Wargeyskaasi ayaa warbixinta uu dacwadaasi ka diyaariyey u qoray sidan “Dacwad ay wasaaradda deegaanka ee dalka Djibouti ka gudbisay sanadkii 2000 shirkada shiidaalka ee dalka Faransiiska Total, in ay shirkadaasi wasakhayn balaadhan ku samaysay agagaarka dekada Djibouti.

Nuxurka dacwada ay wasaarada deegaanka dalka Djibouti oo mudo 15 sanadood socotay ayaa lagu eedaynayaa in mid ka mid ah dhuumaheedda badda ku yaalla ee soo qaada shiidaalka dilaac ku timid. Dilaacaas oo waxyeelo xoogan ku yeelatay deegankii ku xeeran Dekada Djibouti.

Talaabadan oo muujinaysa in xidhiidhkii uu dhexayn jirey xukuumada Djibouti iyo shirkada Faransiiska ah ee Total aanu sidii hore uu ahayn. Marka la isbarbar dhigo sida uu ahaa xidhiidhkii uu ahaan jirey xukuumada iyo shirkada Total oo cidna uu dhexayn jirin.

Waxa kale oo dacwadda ay wasaarada deeganka ka gudbisay dhowr shirkadood oo laga leeyahay dalka Djibouti isla markaana shuraako kula jirey shirkadaha Total, Mobil iyo Shell, in aanay masuuliyad iska saarin cabashooyinka ku salaysan wasakhaynta (pollution) ka inta agaagarka dekada Djibouti.

Guda galkii dacwaadaa shirkada Faransiiska ee Total, ayaa gaadhay is ficiiltan u dhexeyaa qareenada uu doodaya labada dhinac, oo markhatiyayaal khubaro ku takhasustay dhacdooyinkan oo kale, sharaxaad maxkamada horteeda sababta keentay inay diilaacan labada dhumood ee badda hoosteeda mara illa iyo halkaa uu ku kaydiyo shixnada shidaalka.

Taas oo sababtay inay wasakhayso sii qoto dheer cida badda iyo maamulkeeda shirkada oo aan marnaba isku dayiin in ay nadiifiso goobtii saliidu ku daadatay. Waxana ay maxkamada sare ee dalka Djibouti bishi September 2014 eedihii lagu helay shirkada Total, oo dhamaan la wareegtay hawlihii ay shirkadihi shuraakada kula jirey sida Mobil iyo shirkada kale ee Libya Oil, oo saamigi shirkada Shell ka iibsatay. Lacag dhan 150 million Euro oo magdhow ah bixiso.

Ka dib ganaaxa maxkamadeed ee lagu xukumay shirkada shidaalka Total Djibouti, suuq geynta shirkada Total Djibouti iyo Oil Libya, ayaa isla markiiba ku dhowaaqay in aanay awood dhaqaale u hayn in ay bixiyaan magdhowgaas. Dhowaaqas oo qiyaasti ka xanaajisay masuuliyinta xukumada Djibouti.

Agaasimaha shirkadaa Total ayaa isku dhiibay saldhiga ciidamada cirka ee dalka Faransiska ee loo yaqaano Ambouli, ka dibna uu halkaas sii dhumaasho uga baxay dalka Djibouti dabayaaqaadii bishi November 2014.

Wasaarada caddaalada Djbouti ayaa sheegtay in ay heshay cadaymo muujinaya in mamulka shirkada ay ka been sheegeen dhaqaalaha soo galay sanadadii uu dhexeye 2011 ila 2014 iyo musuuq masuqeen lacago xaad dhaaf ah, iyagu ay isku dhaafiyeen lacagihii xarunta guud ee shirkada. Hase yeeshe, eedaymo dhowaan shirkada Total oo ila imika jawaab rasmi ah ka bixin eedaymahaas.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI