Go’aan Kama Dambays ah oo laga soo saaray Xayeysiisyada Adeegyada Caafimaad

0
287

HARGEYSA (CH)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland  Dr Saleebaan Ciise Axmed, ayaa markii u horeysay go’aan muddeysan ka soo saaray baahinta Xayaysiinta iyo Ogeysiinta Adeegyada Caafimaadka ee ay bixinayaa cusbitaallada iyo goobaha kale.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, ayaa lagu sheegay laga bilaabo bishan 9-keeda aan la baahin karin Xayaysiisyada Caafimaad ee aan oggolaanshiyaha ka haysan isla markaana aan soo marin xafiiska warbaahinta ee wasaaradda Caafimaadka.

wasiir-Xaglo-toosiyeWareegtadan ayaa u qornayd sidan:- “Waxaanu ku war-gelinaynaa dhammaan Shirkadaha is-gaadhsiinta, Idaacadda, Wargeysyada, Warbaahinta muuqaal-aragga, Mareegaha iyo Degellada Wararka iyo Guud ahaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta, in la mabnuucay sii-deynta Xayeysiiyada la xidhiidha farriimaha Caafimaadka iyo daawaynta dadka ee aan soo marin qaybta is-gaadhsiinta ee wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland.

-Markaanu ogaannay in warbaahinta laga sii daayo dad aan khibrad caafimaad u lahayn, kana haysan ogolaansho ruqsadeed wasaaradda Caafimaadka, taas oo mushkilad ku keeni karta bulshadeenna.

-Markaanu eegnay farriimaha caafimaadka ee laga sii daayo in aanay waafaqsanayn siyaasadda iyo shuruucda wasaaradda Caafimaadka.

Waxaanu soo saarnay, wareegtadan oo dhaqan-geli doonta maalinta ay bishu tahay 09/02/2015. Sidaas darteed, waxaanu idin faraynaa inaad fulisaan ku-dhaqanka wareegtadan,” ayaa lagu sheegay wareegtada ka soo baxay xafiiska Wasiirka caafimaadka.

CODKAHARGEYSA.COM