Hargeysa, Somaliland – Akadamiga Nabadda iyo hourmarka Somaliland ayaa soo abaabulay kKulan Balaadhan oo ay iskugu yimadeen bulshada qeybaheeda kala duwan, kaas oo ka dhacay Hotel Guuled ee magaalada Hargaysa.
kulankan oo lagu daahfurayay guddi hogaamineed,kuwaasi oo ka kooban 45 xubnood oo ka kala socda golayaasha qaranka,Guurtida, Wakiiladda, Culimo aw-diinka iyo Saxaafada,siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddidan ayaa shaqadoodu noqon doontaa inay la shaqeeyaan qeybaha Akadamiga Nabadda iyo Horumarka ee ku hawlan saddexda Tiir ee kala ah dimuquraadiyada, mamul-daadajinta iyo iswaafajinta Bulshada, kaas oo kulankooddii labaad lagu qabtay magaaladda.
Ugu horen waxaa munasibadan lagu daahfuraayay ka hadlay guddomiyaha Akadamiga Nabada Iyo Horunmarka,Maxamed Faarax Xirsi,waxaana uu xog waran ka bixiyay waxyaabaha ay guddidani qaban doonaan waxaana uu yidhi“waxyaabaha muhiimka Ahi waxaa weeyaan, doorashooyinkiiba inagu soo socdee wixii doorashada ugu muhiimsan ee ahayd Diiwangalinta Codbixiyayaasha,komishanka kala shaqeyno,komishanka hawshaa leh, iyaga qabta iyagaa sameeya balse waxaad ka caawin kartaan ka caawiya,shuruucda doorashooyinka Cidbaa u xil saaran oo baarlamaanka,barlamankaa shuruucda iska leh wixii aad ka caawin kartaan shuruucda doorashooyinka Halaga Caawiyo,haday farsamo noqoto haday markaa dadka ayay ka timaada (priority) baahidu , markaa dadku marka ay yidhaahdaan waxyaabahaas ayaa muhiim ah,ee waxyaabahaas wax ka qabta ,ayaanu anaguna nidhaahnaa hadaba sideen wax uga qaban karnaa kadibna sidii wax looga qaban lahaa ayaa wadadeeda lagala,waxaanu ka shaqeynaynaa arinta dhulka oo kale,waxaynu kula shaqeynayaa wasaarada deegaanka, wasiirada oo iyada laftigeedu noo iman lahayd balse ka cudurdaaratay,ayaa iyaduna idin hogaaminaysa,oo dee dhulkii mushkilad ayaa uu noqday markaa waxaa la yidhi waar bal dhulka ka shaqeeya oo wax ka qabta, waayahay ayaanu nidhi, waxaad moodaa baadhista aanu sameynay ee dhulka ka soo baxay shuruucdeedu inaanay jirinba,oo in siyaasad guud oo qarankan hagta oo dhulkii aanay jirin,in dhulkii uu ka baxay gacantii dawlada hoose oo uu galay gacantii dadweynaha oo ninkastaaba uu KM uu ootay, waa arin aynu wasaarada deegaanka imika kala shaqeynayno,iyo gudomiyaha iyo guddi hoosaadka golaha baarlamaanka oo iyaguna qaabilsan”
“Wasaarada arimaha guddaha iyadana waxaan kala shaqeynaa maamul dadajinta, imika waxan kala shaqeynay oo ay sameeyeen Xog ururin ah sideebay dadku u arkaan adeega ay dawladaha hoose bixiyaan, markaa muhiimadu waxaa weeyaan in aanu qeybaha kala duwan ee dawladeed caawino,baahiduna ay dadka ka timaado,”Ayuu yidhi Guddomiyaha Akadamiga Nabada iyo Horunmarka
Waxaa isna dhankiisa ka hadlay, Guddomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland mudane Cabdil Qaadir Iiman, isaga oo mahadnaq balaadhan u jeediyay Akadamiga, waxaana uu ku amaanay doorka ay ku leedahay arimaha doorashooyinka,hadaba isaga oo arimahaasi ka hadlaya guddomiyahu ayaa waxa uu yidhi “anaga oo rajeynayna iskuna duuban 7 qof ayaanu nahay inaanu ka baxno imtixaanka aad noo dhiibteen,ee aad tidhaahdeen wakiil nooga noqda inaad nagu hogaamisaan doorashoo xora oo xalaala oo nadiifa inay dhacdo,sanadkan gudahiisa (insha Allah),waynu wada shaqeyn doonaa waxaan idiinka baahanahay Talooyin,waxaan idinka baahanay inaan wax wada qabano,idinka oo ah koox ah, haday tahay ururada bulshada, haday tahay, haweenka haday tahay, dhalinyarada,haday tahay dadka ay ka go’do talada qaranku,inaga oo mida inaynu qarankan ku hogaamino,dimuquraadiyad ku socota horunmarkaa iyo nabadaas”.
Guddomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu u mahad celiyay Akadamiga nabadda iyo horumarka waxaana uu sheegay in ay ka koomishan ahaan talooyinkii ugu faraha badnaa ay ka qaateen maadama oo ay shaqada kaga horeeyen wax badana ku jireen waxaana uu yidhi.“aad ayaan ugu hanbalyaynayaa, Akadamiga Nabada iyo Horunmarka, kaalinta weyn ee ay kaga jirto xaga nabada, xaga maamul daadajinta, xaga uruurada bulshada isku hayntooda, anagu ka komishan ahaan waxaay ahaayeen kooxdii ugu horeysay ee aanu la kulano,oo aanu odhano talo Na siiya,xagee ayaanu wax ka bilownaa, idinka ayaa ku soo jiray shaqada ,talo ururin badan ayaan ka qaadanay,imika waxaanu fadhinay bil iyo badh bil iyo badhkaasna talo ayuunban uruursanaynay,”
Gabagabadiina waxaa kulankan soo af-meeray isku duwana barnaamijyada Akadamiga nabada iyo horunmarka, Axmed Maxamed Diiriye isaga oo soo Bandhigay, doorka iyo Shaqada looga Baahanyahay Akadamigan.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI