Xuska Aasaaska Ciidanka Qaranka Iyo Baanaha Madaxweyne Siilaanyo

0
416

“Waxaad ka war-haysaan in aanu sannad kasta kor u qaadno Miisaaniyadda Ciidammada oo maraysa 57,000,000 USD taasoo iminka kor u dhaaftay gebi-ahaanba Miisaaniyadii Qaranka ee 2010…”

Madaxweynaha Somaliland

DSC_0029 DSC_0114 DSC_0111

Dararweyne, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo,ayaa shalay  ka qaybgallay sanad guuradda 21aad ee ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo sanad kasta February 2-deedda loo dabaal deggo.

Munaasibadan loogu dabaal degayo sanad guuraddii 21aad ee ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Qaranka ayaa lagu qabtay dugsiga tobabarka ciidankaasi ee Dararweyne ee duleedka bariga magaaladda Hargeysa, waxana madaxweynaha ka sakow ka soo qayb-gallay wasiirka Gaashaandhiga, taliyeyaasha ciidamadda, xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Madaxweynuhu markii uu salaam sharafta ka qaaday ciidanka, waxa uu xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey dugsiga tobabarka ciidanka, waxaana mashaariicdaasi ka mid ahaa Furitaanka guri balaadhan oo loo dhisay Saraakiisha iyo Saraakiil ku xigeenka Kuuliyada tababarka Dararweyne, kaasi oo qaadi kara 250 Sarkaal.

sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray qolka shirarka kuuliyadaha oo qaadi doona 250 Sarkaal, waxa kale oo uu madaxweynuhu soo kormeeray dhismeyaal cusub oo loogu talo galay inay ugu yaraan 20 sarkaal ku nasan karaan kuna qadeyn karaan.

DSC_0177 DSC_0160 DSC_0186 DSC_0216

Taliyaha guud ee ciidanka Militariga Gen. Ismaaciil Shaqalle ayaa uga warbixiyey sanadkii tagay wixii u qabsoomay iyo tobabarka joogtadda ah ee ay ciidanka siiyaan, kuwaas oo uu xusay inay tobabaro dibadda iyo aqoon jaamacadeedba ku soo qaateen dalal dibadda ah.

Intaas ka dibna madaxweynaha ayaa khudbad dheeri galin ah u jeediyey ciidamadda, waxaanu ku hambalyeeyey xuska sanad guuraddoodda ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka iyo kaalinta ay shacabka u hayaan.

“Ciidamadu waxay ka mid yihiin tiirarka qarankani ku taagan-yahay, cududa bulshadani dugsanayso ee ay ku seexato, waxaanay calaamad iyo astaan u yihiin dawladnimada iyo kala-danbaynta bulshadani ku taamayso.” ayuu yidhi madaxweynaha oo la hadlayey ciidanka, waxaanu intaas ku darayaan “Ciidamadu waa difaaca qaranka, waa dal-jirayaasha u dibjira una dayacma illaalinta dadkooda iyo dalkooda, waana salka iyo dayrka ugu adag ee nabadgelyada aynu ku faano.”

DSC_0162 DSC_0045 DSC_0238 DSC_0420

Madaxweynaha ayaa sheegay inay kor u qaadeen miisaaniyaddii ciidanka si xoogga loo saaro tobabarka iyo dhaqaalaynta ciidanka, waxaanu yidhi “Waxaad ka war-haysaan in aanu sannad kasta kor u qaadno Miisaaniyadda Ciidammada oo maraysa 57,000,000 USD  taasoo iminka kor u dhaaftay gebi-ahaanba Miisaaniyadii Qaranka ee 2010 ee aan dalka kula wareegay oo ahayd 47,000,000 USD, halkaana waxaa qof kastaa uu ka garan-karaa ahmiyadda aanu siinay Ciidammada qalabka sida.Anagoo sanad-kasta kobcina saanada iyo qalabka aad ku hawlgashaan, isla markaana wakhti iyo dhaqaale badan gelinay derajada garbihiina ka bidhaamaysa oo aan aaminsanahay in ay qayb muhiim ah ka tahay haybadda iyo hannaanka kala-danbaynta ciidamada”.

Intaas ka dibna madaxweynuhu wuxuu kuuliyadda tobabarka usoo xidhay saraakiil ka tirsan ciidanka, waxaanu shahaado gudoonsiiyey saraakiil ka kala socday Ciidanka Militariga, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Badda.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI