Wasiirka Daakhligu Ma Sharaxay Tirada Shaqaalaha Markabka Hubaysan Iyo Fariimaha Dunida Ka Soo Gaadhay?

0
345
  • Yaa Leh Hubka, Maxay Ahayd Fariinta Uga Timi Suudaan?

Hargeysa, Somaliland – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde ayaa sheegay in hubkii saarnaa markabka laga dajiyey, isla markaana meel amaan ah la dhigay.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in hubkan sharci darada ah ee ay qabteen la socodsiiyeen qaramadda midoobay, gudida ilaalinta hubka iyo beesha caalamka, isla markaana aanay garanayn meel uu ku socdo.

Wasiirka ayaa sheegay in Markabka magaciisu yahay MV Shakir illaa toban cishana baadhayeen sababta hubka loogu soo dhex qariyey maadaama oo uu markabku siddo alaab ganacsiga.

Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali warancade ayaasheegay in hubkaasi oo ah mid culus oo ka kooban todoba tikniko ah ay go’aamiyeen in laga dejiyo markabka oo la hayo hubkaasi ilaa inta laga gun-gaadhayo cidda iska leh hubkaasi iyo meesha uu u socday.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay in Dawladda Suudaan kala soo xidhiidhay arrinta Markabkan balse wax faahfaahin ah kamuu bixin xidhiidhkaasi iyo waxay kuwada hadleen. Waxa uu sheegay in Maxakamadda Gobolka Saaxil Markabkan ku riday Ganaax Lacageed maadaama isagoo Markab Ganacsi ah laga helay Hub qarsoodi ah.

1476222_715849118512998_7395383991584647078_n

Hubkan waxa uu ka kooban yahay hal madfac oo weyn oo dhuuuntiisu tahay 122 mm , hal kaare, laba gawaadhida gaashaaman oo laga rido gantaalaha rokitka ah , laba baabuur oo ah nooca aan rasaastu karin, iyo hal doon oo kuwa dheereeya ah.

Haseyeeshee wasirka oo wax laga waydiiyey waxa lagu ganaaxay, shaqaalah saaran inta ay yihiin iyo waxay ka wada hadleen Suudaan ayaa intaba ka gaabsaday, isagoo wax cad ah sheegin tiradda shaqaalaha ee markabka saaran, waxa lagu ganaaxay iyo waxay ka wada hadleen Suudaan oo uu sheegay inay la soo xidhiidheen.

10960387_716688775094994_9040049635692592493_o

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay maamulka Puntland ee Soomaaliya oo eeddo cul culus usoo jeediyey Somaliland, isagoo hadlakaasi ku tilmaamay mid kala fogeynaysa labadda shacab.

Wasiirka oo hadalka Masuulka Puntland ka jawaabaya waxa uu yidhi “Ninkaa Dorraato hadlay wuxuu runtii waxyeelo wayn ku yahay wada hadalkii iyo wanaagii naga dhexeeyay Puntland.waxaanu u eegyahay Nin aan xataa u war hayn Siyaasadda Dawladdiisa ama maamulkiisa.waxaanu Umadda Somaliland u muujiyay Caddaawad aad u fool xun oo waxyeeli karta Cilaaqaadka labada dal”

Wasiir Warancadde ayaa sheegay in markii markaba ay qabteen markiiba ku wargaliyeen beesha caalamka, waxaanu yidhi “Wuxuu ka been sheegay Hubkan iyo waxa uu yahay. Hubka markii aanu qabanay 2 saac kadib waxaanu u sheegnay Qaramada midoobay, waxaanu u sheegnay Monitoring Groupka, in Hubkaasi yahay Hub aanu qabanay oo dekedda ku qabanay.”

Wasiirku waxa uu sheegay in haddii Hubka Somaliland leedahay aanay Dunida u sheegteen “Ninka isagu wax wata ama Hub uu leeyahay la soo degaa dee iskuma qayliyo oo caalamka uma sheego, markaas arrintaas waxaanu u aragnay arrin Caddaawad ah, tusaale ahaan Bulshada Gobolada Bari ee Sool iyo Sanaag wuxuu ku sheegay dad Argagixiso ah, taas oo meel ka dhac ku ah Bulshada Gobolkaas degan iyo inuu waxyeelaynayo Cilaaqaadka naga dhexeeya annaga iyo Maamul goboleedka Somalia ee Puntland.waana arrin ay ka muuqato Xumaan,xiqdi iyo Xasad”

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha Somaliland ayaa xukuumadda ka sugayey inay  u sheegto inay hubkii la wareegtay, haseyeeshee waxa xukuumaddu ku gaabsatay inay markabka ka dajiysay meel amaanana dhigta, iyadoo dadku is waydiinayaan cida la sugayaan iyo cidda Hubka ee sharci daradda ku qabteen kala tashanayaan waxay ka yeeli doonaan.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI