Hargeysa, Somaliland – Wali Axmed Xaawo oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland.
Xildhibaan Wali Axmed Xaawo, ayaa ka mid noqday mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland kadib markii maalintii sabtidii gudoomiyaha maxakamadda sare dalka Yuusuf Ismaaciil Cali u dhaariyay xilka xildhibanimo.
Xildhibaan Wali axmed xaawo oo uu buuxiyay Jagaddii uu iska casilay xildhibaan Khadar Ambasador, xubintaas u ka soo baxay Xisbiga Ucid gobolka Hargeysa. Waxana uu wali axmed xaawa oo wakhtigan ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa lagu tilmaama inn uu yahay siyaasi firfircoon oo xilal hore ka soo qabtay xukumaada axmed siilaanyo.