Maxaa Hortaagan Dhismaha Jidka Kalabaydh-Dila Ee Kharashkiisana La Hayey?

0
330

Boorama, Somaliland – Jidka isku xidha magaalooyinka Kalabaydh iyo Dila ama gobolada Gabiley iyto Awdal ayaa haatan u muuqda inuu ka mid yahay jidadka ugu liita ama ugu burburka badan leh, isagoo jidkan wakhtiyada qaarkood ka mid ahaa jidadka ugu wanaagsan Somaliland balse haatan ku burburay badi isticmaalka gaadiidka reer Somaliland.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, Jidkan ayaa sidoo kalena u muuqda inuu yahay beddelka jidkii sida xoogga leh looga qaylin jiray ama ugu kadeedka badnaa rakaabka iyo gaadiidka iskaga goosha gobolada Awdal iyo Gabiley, kaas oo ahaa jidka Dila -Boorama. Jidkan oo masuulyiintii Somaliland soo xukumi jirtay, ganacsato iyo rakaab dano badan ka lahaa Boorama ama Hargeysa ilaa Berbera uga safran jiray Boorama xumaantiisa uga warwareegi jireen ayaa haatanna laga raystay dhibaatadiisii, kaddiib markii dhismhiisa xoogga ay saartay xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo iyo Hay’adda ASERDA ee qaabilsan jidadka Awdal.

ASAR

Haddaba marka la eego sida gaadiidka iyo rakaabkuba ugu farxeen markii la sheegay in jidka Kalabaydh iyo Dila degdeg loo hirgalinayo, lacagtiisii ama kharashkiisiina ku jiraan jeebka dawladda iyo ASERDA ayaad mooddaa in sheekada jidkaasi u muuqato ‘biciidkaan dili doono”, isla markaana aad mooddo inay sii gudhayso rajadii laga qabay dhimaha jidkaasi. Masuuliyiinta ASERDA oo Saxafi wax ka weydiiyey waxa dib u dhigay dhismaha jidkaasi ayaa ka gaabsaday, iyadoo masuul ka soo jeeda reer Awdal oo qaabilsan jidadka dalkuna lix bilood ka hor weriyaha Saxafi u sheegay in bishan “February “, la bixin doono qandaraaskii dhismaha jidkaasi, waxana waagaa ka soo wareegtay afar bilood in ka badan. Hay’adda jidadka dalkuna kama hadal dib-u-dhac ku yimi, lacag loo waayey dhawr iyo tobankaa kiiloomitir ee wakhtigan qardajeexa iyo beeraha dhexdooda lagu maro, ama wakhti cayiman oo hawshaasi bilaaban karto.

Ugu dambayntiina rakaabka iyo gaadiidleyda magaalooyinka galbeedka u kala goosha ayaa haatan ku dhaw inay Wajaale uga soo wareegaan Boorama imaatinkeeda jid-xumada Kalabaydh iyo Dila, sidaa darteedna loo baahan yahay in xukuumaddu jidadka gaagaaban ku darsato jidadka dhaadheer ee ay haatan ka waddo bariga dalka, soona af-jarto dhibaatada rakaabka iyo gaadiidka ka haysata jidka Dila iyo Kalabaydh mashaariicda dhismaha jidadkuna u ekaanin ‘ilaahaw kan yar iga celi kan weynna igu sii daa”.

 

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI