Ciidanka Booliska Oo Xabsiga Dhigay Guddoomiyihii Naadiga Kubada Cagta Ee Bari Iyo Galbeed Salebaan Marduuf

0
388

Hargaysa, Somaliland – Saleebaan Axmed Nuur (Saleebaan Marduuf) oo ahaa guddoomiyaha Naadiga Kubada Cagta ee Bari iyo Galbeeda, ayaa goor dhowayd ciidanka Booliska Somaliland xabsiga dhigeen isaga oo Ku sugan suuqa wayn ee magalada Hargaysa.

Lama garanayo ilaa hada waxa ay ciidanku xabsiga u dhigeen iyo sababta ka danbaysay xadhigiisa siday ay wararku sheegayaan, inn lagu yaqaanay mar walba inn u doodi Jiray xaqa dhalinyarada Somaliland.

Waxana maalmo ka hor uu wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ku edeeyay inuu gabay shaqadii uu dhalinyarada u hayay, isaga oo ku dhalilay inuu ku fashilmay qabashada wareegi Koobka gobolada Somaliland. Ilaa hada waxa uu ku xidhan yahay saldhiga dhexe, iyadu ann loo Ogolayn inay booqdan qaar ka mid ah qoyskiisa.