Caasimada Hargeysa Oo La Filayo in Bishan Gudeheeda Loo Soo Celiyo Ishaarooyinkii Gaadiidka Hagayay Iyo Caagag Lagu Shubo Qashiinka

0
362

SAMSUNG CSC

Hargeysa, Somaliland – Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa shalay soo kormeeray mashaariic kala duwan oo dawaldda hoose ka waddo magaaladda Hargeysa.

Maayarka ayaa sheegay in bishan la bilaabi doonno ishaaarooyinka Gaadiidka kal gayey oo lix isgys lagu xidho doono iyo Caagagga waaweyn ee wadooyinak hareerahoodda ladhigi doonno si qashinka fudud iyo caagadaha sharaabka loogu ridi lahaa.

Sidoo kale, waxa uu xusay in Baarkii ugu horeeyey ee kiradda ahaa laga hirgalin doonno cisbitaalka dhabarkiisa galbeed kaas oo noqon doono baarkinka baabuurta la dhigan doono oo qiimo jaban laga qaadi doonno.

Ugu horeyn Maayarka oo ka hadlaya xarun laga dhisayo xaafaddaha jeelka u dhow oo laga hirgaliyey dhismayaal iskugu jira Laabareeri, hoolal xaafaduhu ku shiraan iyo garoon ku badda cagta oo xaafaddu yeelan doonnto.

SAMSUNG CSC

Ugu horeyn Maayar Soltelko oo saddexda bilood ee sanadkan ugu horeeya mashaariicda caasimadda laga hirgalin doono waxa uu yidhi “waxaanu maanta joogna xarun loo dhisayo xaafaddan (EX Xero dhifta goobtii caanaha lagu iibin jiray ee Agagaarka dugsiga Sheekh Baraawe) oo ka kooban Labareeri, mid Buugaag ah iyo mid (Internetka laga daalacdo) soft ah, hool ay dadka xaafaddu ku kulmaan kuna shiraan, garoonkii kubadda cagta oo aanu ka wada shaqayn doonno Hay’adda UNHCR. Halkan aynu maanta joogno dad badan ayaa buuq iyo sawaxan ka sameeyey oo yidhi cid kale la siinayey dhulka maalintaasi warbaahintu way joogta maanta way idinka arkaya in dhismayaal xaafadu leedahay loo dhisayo. Maalinta la dhamaystiro qalabkiisana loo dhamaystiro, waad arki doontan, marka dadkii waxas lahaa iyaga iska khaajili doona ee sidaas ba inuu noo ballan ah in aanu waxqabad la nimaadno.”

SAMSUNG CSC

Maayar Soltelko waxa kale oo uu sheegay in saddexdan bilood caasimadda laga hirgalin doonno ishaarooyin iyo wadooyin ku teedsan dhamaan xaafadaha oo dhan, waxaanu yidhi “waxa kale oo iyaguna jira mashaariic saddexda bilood ee sanadkan cusub la qabanayo oo ayka mid yihiin Ishaarooyinkii laydhka ee gaadiidka kala hagayayey kaas oo lagu xidhi doonno lix isgoys oo kala ah isgoyska madaxtooyadda, Isgoyska Telesom, isgoyska Idaacadda, Isgoyska Total, Isgoyska Xero Awr, iyo Isgoyska saldhiga News Hargeysa, waxa kale oo aanu wadooyinka hareeraheedda dhigi doonnaa Caagagii la dhigayey wadooyinka ee qashinka iyo cagadaha sharaabka la iskaga riddi doonno marka uu qofku wadada marayo,  waxa samayn doonaa wadooyin oo hadda gacant aku hayno, laba waddo oo laga hirgalin doonno Gacan libaax, Dhaanka Daami mid dusha ka marta , Sayladda xoolaha oo hal kilo mitir ah, xaafadda Siinay oo hal kilo Mitir laga samayin doono,Sacaadiin jigjiga yar oo haaf killo mitir ah intaasina waa wadooyinka aan sadexdan Bilood ka shaqyan doono iyada oo aanu dhinac wadi doono marmarkii ay dadku dhigayeen meheradooda horteedda oo aanu u qaybinay dhawr shirgadood si aanay hawshu u qabsoomin mar wada bilaabi doonna”

Dhinaca kale waxa uu Maayirku Booqday Goobo lagu wado in laga dhigo Baarkin ay baabuurtu istaagaan  oo lacag yar laga qaadi doona, waxaanu yidh“ halkan waxa ka socota shaqo waxaanu ugu talo galnay in ay noqto halka aanu ku bilaabayno baarkinkii oo lacag ah,waan halka koowaad ee imika laga bilaabayo marka la dhamays tirto waa Cusbitaalka Qaybtiisa Galbeed Gaadiidka U socda Madaxtooyada iyo  Baarlamanka Kuli Halkan ayaa wada dhigan doonaan halkaasna waxa ay noqon doontaa meel ka mamnuuc ah in gawaadhida la dhigo, dadkan waa laga kireyn doonnaa qiimo macquulha oo jaban ayaa lagaga kireyn doonnaa”.

Gabagabdii waxa uu maayirku baaq kala duwan u diray ganacsatada “waxaan ganacsatada u dirayaa baaq ah in meherad walba horteeda oo aanu u xilsaaray in shirkadaha marmarka wadaa ay dhigaan in ay shirkadaha gacan siiyaan wixii yar ee dhaqaale ahna ay iska bixiyaan iyadoo sakad sakad loo wadi doono shirkadahan waxa aanu u qaybinay saddex shirkadood oo kafayn doona.”

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI