Hargeysa (CH)- Laamaha amaanka iyo Cuqaasha Gobolka Maroodijeex ayaa kulan ay iskugu yimaadeen ku sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono dhalinyarada kooxaha isku disha, sidoo kalena dadweynaha dhibaateeya.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Booliska,Arrimaha gudaha,madaxda heer gobol iyo Cuqaasha ayaa sidoo kale lagu sheegay inaan mag laga bixin dooninDhalinyarada ku dhimata raasta hawl galada Boolisku ku qabqabanayo dhalinyaradaasi.
Cuqaasha Gobolka oo kulanka hadalo ka jeediyay ayaa si aada iskugu waafaqay sida loogu baahan yahay in dhalinyarada amaanka khalkhal galinaysa la iska qabto “Annigu waxaan taaganahay, Cuqaashana aan leeyahay ha igu taageerto in kii ku dhinta hawlgalka Booliska aynaan mag ka qaadan… Meel xun bay caruurteenii maraysaa, amaankeena iyo wadankeena yaanay inaga khalkhaline waxan leeyahay mag ma laha ka hawlgalka lagu dilaa” ayaa ka mid ahaa hadalka cuqaasha.
Caaqil Halac Colaad oo kulanka ka hadlay ayaa isna soo jeediyay in dhalinyarada arrimaha ka dhanka ah amaanka lagu soo xidho xabsiga loo dheereeyo “Waxaan leeyahay Kuwa aan la dilin ee la xidho, Xabsiga ha loo dheereeyo, waliba Gobolka uu u dhashay inta laga qaado Gobol kale halagu xidho” ayuu yidhi Caaqil Halac.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Xaaji-jaaniyare) ayaa isna halkaasi ka sheegay inaanay u dulqaadanayn dhibaataynta amaanka “Annagu Gobol ahaan u dulqaadan mayno in aayar oo dhalatay magaalada fawdo laga sameeyo, oo dadweynaha kala duwan dhibaato loo gaysto, oo magaalada la kala xidho, oo la yidhaahdo Daacish bay la baxeen,waxaasi suuroobi mayso.Dawlad baanu nahay,annaga iyo Innamadu waanu kala adkaanaynaa cuqaaleey” ayuu yidhi Badhasaab Jeeniyare.
Taliye xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa Cuqaasha ku bogaadiyay go’aamada lagu sugayo amaanka “Waxaanu idiinka mahadnaqaynaa inaad nala qaadateen inaad amaanka nala sugtaan iyo go’aanka aad ka qaadateen Ninka Dambiilaha ah inaydaan noogu iman oo haddii uu Nabadgalyada soo weeraro inaanu dilno oo aad nala qaadateen”
Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha Cismaan garaad Soofe oo gabogabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in go’aamadan degdeg loogu dhaqmi doono islamarkaana la dardar galin doono sugida amaanka Magaalooyinka.
Kulanka iyo go’aamada Laamaha amaanka ayaa imanaya iyadoo fiidnimadii Khamiistii hawlgal Boolisku ku jiray uu ku dhintay Wiil dhalinyaro ah.arrintaasi oo ka dhacday degmada Maxammuud Haybe. Wasaaradda daakhiliga iyo Booliska ayaa wada hawlgalo laga dareemayay todobaadkii u dambeeyay Magaalada Hargeysa oo lagu ugaadhsanayo dhalinyarada rabshadaha sameeya.
CodkaHargeysa.com