“Jamaal Cali Xuseen Waa Aqoonyahan Dalka Waxbadan Qaban Kara….” Marwo Saynab Cabdi Ciise

0
366

Hargeysa, Somaliland – Saynaab Cabdi Ciise oo ka mid ah quurba joogta ku dhaqan dalka Norway oo mudo ku sugnayd dalkaa, ayaa ka hadashay xalaada noloolsha ay qoysaska dalka marayso horseedi karaa burburka iyo lumintanka koorinta ubaadka.

Marwo saynaab cabdi ciise oo waraysi kula yeelanay iyadu ku sugan magalada Hargeysa, ay ku tilmaantay waxyabahii ay filayeen inay isbadeleen iyo waxyaabihi ka qaabsomay ay kala fog yihiin.

“Intii ann ku soo noqday waxan arkay waxyaabo badan oo isbadelay sidii ann moodeynay iyo sidii anuu ugu nimiid oo kala jaad ah, waxana ugu daraan xisbiyada ka jiraa dalka oo anay dadka shaacabku fahmsanayn.

Muhimaada dadka shacaabka ah ee wadanka uu dhashay ee wadanka iska leh waa inn ay fahmaan xisbiga iyo axsaabta siyaasadu waxa ay tahay iyo qofka ay uu doraaneyaan kursiga madaxweynaha inay ogaadan tariikhdiisa iyo waxqabadkiisa ayaa muhiim ah inn ay marka hore fahmaan.

Mahaa inn xisbigaa lagu raaco haab qaabiil ama jabhaad buu soo ahaan jirey, wayoo nin jabhaad soo ahaan jirey oo ann dalka waxbana uu qabaneyn looma bahnaa.” Sidana waxa tidhi Saynab Cabdi Ciise oo ka hadashay quurba joog reer Somaliland.

Saynab Cabdi Ciise oo ka mid ah tageeryaasha xisbiga UCID ayanu ka waydiney sababta ay murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen ugu tageersan tahay, waxana ay kaga jawaabtay sidan:

 

“Jamaal Cali Xuseen waa aqoonyahan dhalinyaro ah oo ann jabhaad soo maarin iyo dagal toona soo maarin. Wa aqoonyahan jamaacad wax ka soo bartay dalkana waxbadan uu qaban kara iyo siyaasadaha calaamka laa jaan qaadi karaa. Shacabka dalka jooga manta waa laa jahwereeriye oo lagu dawikhiyee qabyaalad anay uu bahnayn, dadka dibadaha jooga marka ay dalka yimadan niyad jab bay laa noqdan.

Wayoo, mar hadanu jirin kala dambayntii sharcii iyo nidaamkii dowladnimo marka dal mahaa waa meel dadku iskaga nool yihiin. Muwadin kaste oo donayaa inn uu dalku isaga iyo ubadkiisa uu xagago waxan ann kula talin lahaa inay Jamaal manta dantu ku jirto inay codkoda ay siyaan, madaama ay shalay codkooga ay madaxweynaha manta jooga ay ugu codeyeen jabhadii buu ahaa, dee aniguna waxan leeyahay Jamaalna waa aqoonyahankii dalka wax usoo bartay.” Sidana waxa tidhii Saynab Cabdi Ciise.