Haregeysa, Somaliland – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa ka dardaar wariyey inay wakhtigeedda doorasho ku dhacday, waxaanu dib udhaca Doorashadda ku eedeeyey xisbiga Kulmiye iyo xisbiga Wadani oo ay sheegeen in aanay doonayn inay dalka doorasho ku dhacdo.
Sidaasna waxay ku sheegeen shirjara’id oo ay shalay ku qabteen magaaladda Hargeysa, waxaanay halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Cali Gurey, Musharaxa madaxweyne ku xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Xogyaha warfaafinta Yusuf Kayse Cabdilaahi.
Gudoomiye Xigeenka Saddexaad Mujaahid Cali Guray oo ka hadlaya sababta ku kaliftay inuu sheego in doorashaddu wakhtigeeddii 26 june ee sanadkan qabsoomi kareyn waxa uu yidhii “Sababta ugu muhiimsan ee nagu kalliftay inaanu Shir Saxaafaddeedkan qabano waxa weeye inaanu Shacabka u gudbino halkay marayso Doorashadii iyo Xaqiiqada jirta oo runtii illaa hadda aanay jirin cid ku dhacday inay si cad dadka runta ugu sheegto.waxaanu doonaynaa inaanu markii u horaysay Shacbiga Somaliland si cad ugu sheegno in sida ay noogu muuqato aanay jirin Doorasho dalkan ka dhacaysa 26-ka June ee sanadkan.Haddii la dadaalo Dalka doorasho Way ka dhici karaysay suuro galna way ahayd in 26-ka june 2015-ka doorashadu dhacdo laakiin,waxaad goob joog ka ahaydeen sidii loola dagaalamay ee Xeerarkii loo burburiyay ee Xukumadda,Wakiilada iyo Guurtida oo iskaashanaya muddo 7 ama 8 bilood ah ay uga lumiyeen in 26-ka June Doorasho suuro gal noqoto.Nasiib darro way ku guulaysteen inaaan doorashadu ku qabsoomin wakhtigeedii,malaha iyagu guul bay u arkaane”.
Gudoomiyaha Saddexaad ee Ucid Cali Guray ayaa xukuumadda iyo xisbigeeddda iyo xisbiga WADANAB ku eedeeyey inay doorashadda dabadda haystaan, isla markaana aanay diyaar u ahayn inay doorasho dalka ka dhacdo, waxaanu yidhi “Waraysigii u dambeeyay ee Madaxweynuhu TV-ga Qaranka siiyay,wuxuu lahaa Doorashadu wakhtigeedii bay ku qabsoomaysaa.Waad maqlayseen Qolyo kale(Waddani) oo iyaga laftoodu lahaa doorashadu waa inay 26-ka June dhacdo.
Haddii Doorashadu 26-ka June dhacayso waxay ahayd,in Saddexda Xisbi Qaran 26-kii June(2014) ka hor diyaariyaan Musharaxiintooda doorashada oo Golaha dhexe soo ansixiyo. Xisbigan Ucid Mooyaane, ilaa maalintaas maanta ah ma jiro Xisbi Musharaxiintiisii soo saaray oo Golahooda dhexe soo ansixiyay.
Hadday run ka tahay in doorashadu Wakhtigeedii ku qabsoonto,Madaxweyne Siilaanyo waxay ahayd 26-ka December ka hor in Xisbiga Kulmiye fadhiisto oo Musharax haddii uu yahay soo ansixiyo Musharaxnimadiisa.Muu yeelin haddana wuxuu ku leeyahay Doorashadu wakhtigeedii bay ku dhacaysaa,taas waxaanu u aragnaa been cad oo dadka loo sheegayo, doorasho 26-ka june dhacaysaana ma jirto.
Sidoo kale Xisbiga Waddani waxay ahayd in 26-kii December ka hor Golihiisa dhexe oo dhameeyo Musharaxiintooda,iyagoon Musharaxiintoodaba diyaarin inay haddana dadka ku yidhaahdaan Doorashadu waxay dhacaysaa 26-ka June ama waa inay wakhtigaas ku dhacdo waa Been Cad oo qaawan waanan ka baxnay annagu fikirkaas, waxaanu leenahay Shacbiga Somaliland haddaad tihiin 26-ka June Wax doorasho ah oo dalkan ka dhacayaa ma jiro.”
Xisbiga Ucid waxa uu sheegay inay sidoo kale ahayd in Gudoomiye Cirro Xilka Baarlamaanka ka dego ka hor 26-kii December maadaama sharcigu dhigayo in qofka xil haya ee Qaranka u sharaxani 6- doorashada ka hor xilka ka dego.”
“Haddii Maalmaha soo socda Xisbiyadda Mucaaradka ahi isla meel dhigi waayo Mawqif midaysan oo ah Maxaa la yeelayaa Doorasho ma dhacayso 26-ka June eh, taas waxaanu doonaynay inaanu saaka sii dayno mawqifkayaga laakiin Dhinacyadii kale iyo Xisbiyada Mucaaradka markaanu la tashanay waxay naga codsadeen inaanu talada ku sinno si Mawqif midaysan oo Mucaarad aanu u yeelanno” ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.
“Haddii in uun aanu wax kukala duwannahay Waddani waa Arrimaha Khuseeya uun Wakiilada,dadka leh wax kale ayay isku hayaan ama Xukumaddan bay u kala dhaw yihiin waxba kama jiraan.halka aanu annagu u aragno in Golaha wakiiladu yihiin halka ugu daran ee doorashada Carqaladaynaysa ee xeerarka baabiinaysa ee 5 sanno la doortay ee 10 sanno fadhiyay iyaga yihiin, markaa qiimo kasta oo ay tagayso annagu marna iyo goorna aqbali mayno muddaddaas 26-ka June inay sii fadhiyaan” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Sidoo kale musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay haboon tahay in doorashaddu wakhtigeedda dhacdo.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI