Shirkadda Isgaadhsiinta Ee Somtel Oo Munaasibad Ku Soo Bandhigtay Addeegaa Cusub E’DAHAB

0
385

image66

Hargeysa, Somaliland – Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah Ee Somtel Ayaa Waxaa Ay Maanta Xaflad Baladhan U Qabatay Daah-furka Adeega Cusub Ee E-Dahab  Munaasibadan Oo Ka Dhacdey Hotel Guleed Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland,Wasiirka Maaliyada,Wasiirka Duulista Iyo Hawda, Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland , Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ,Agaasimaha Adeega E-Dahab Ee Somtel Madax Ka Socota Shirkada Dahabshiil Group Iyo Masuulyiin Kale .

image75

Ugu Horeyna Waxaa Munasibadaasi Ka Hadlay Cabdiraxmaan Cali Cabdi Oo Ka Mid Ah Masuulyinta Shirkada Dahabshiil Group Waxana Uu Sheegay In Adeegan Cusub Ee Ay Maanta  Daah Furayso Shirkada Isaadhsiinta Ee Somtel U Yahay Mid Baahi Weyn Loo Qabey Isla Markaana Furasado Shaqo Siiyey Dad Badan Ama Dhalin Yar Badan Oo Rer Somaliland Ah  Siciid Maxamed Siciid Ducaale Oo Ka Mid Ah Madaxda Boodhka Ee Shirkada Somtel Oo Munaasibadaasi Hadlo Kooban Ka Yidhi Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Shirkada Somtel Ay Noqotay Mid Horumaro Faro Badan Sameysay Tusaale Ahaana Adeega Cusub Ee Lagu Magacaabo 4G Oo Shirkada Somtel Ka Hir Galisay Dalka Isla Markaana Somaliland Noqotey Dalkii Afraad Ee African Ah Oo UU Adeegaasi Gaadho.

image76

Sidoo Kale Waxaa Uu Tilmaamay Siciid Maxamed Siciid Ducaale In Adeegan Cusub Ee E-Dahab Uu Noqon Doono Mid Bulshada Faa,ido Weyn U Leh Isla Markaana Dabooli Doono Baahiyo Fara Badan Oo Ay Qabaan “Waxaan Idiin Sheegaya Waxaa Aynu Kaga Jirnaa Xaga Technogy da Dalalka Ugu Horeeya Waliba Inaga Oo Ah Dal Faqiir Ah Adeegag 4G Waxeynu Nahay Dalkii Afraad Ee Africa Laga Fuliyey Taas Oo Ay Shirda Somtel Fulisay Waxanan Idiin Leeyahay Aniga Oo Hadalkeyga Soo Koobay Waad Ku Mahad San tihiin Ka Soo Qeyb Galka Xaflada Daah Furka Adeega Cusub Ee E-Dahab” Ayuu Yidhi Siciid Maxamed Siciid Ducaale Oo Ka Mid Ah Madaxda Boodhka Ee Shirkada Somtel.

Dhinaca Kale Waxaa Isna Munaasibadaas Ka Hadlay Agaasimaha Guud Ee Adeega E-Dahab Ee Shirkada Somtel Fu,aad Axmed Nuux Waxaa Uu Sheegay In Adeega E-Dahab Oo La Bilaabay Sanadkii 2014 kii Ay Ilaa Hada Is Diwaan Galiyeen Dad Tiradoodu Gaadhay Ilaa 100,000 Qof (Boqol Kun Oo Qof) Dhamaanba Gobalada Somaliland Isla Markaana Adeegan Laga Heli Karo Dhamaanba Gobalada Somaliland.

Waxaa Iyaguna Munaasibada Kalmado Kooban Ka Yidhi Suldaan Axmed Daahir Oo Ku Hadlaayey Afka Madax-Dhaqameedka Somaliland Iyo Sheekh Maxamed Aadan Waxaana ay Dhamantood Xuseen In Adaagan E-Dahab Uu Yahay Mid Bulshadu Baahi Weyn U Qabtay Isla Markaana Ay Aad U Soo Dhawenayaan Shirkada Somtel Ama Dahabshiil Group Ay Aad Ugu Mahad Celinayaan Horumarka Balaadhan Ee Ay Dalka Ka Wado.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Oo madasha Kalamado Kooban Ka Yidhi Ayaa Waxaa Uu U Mahad Naqay Shirkada Somtel Ee Adeegan Cusub Daah Furtay Kuna Aamaney Horumarka Xoogan Ee Ay Dalka Ka Wadaan Waxana Uu Ku Dhiiri Galiyey In Ay Halkaasi Ka Sii Wadan Dadalkaasi Xoogan.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland Cabdi Dirir Cabdi Oo Ka Mid Ah Masuulyiintii Madasha Ka Hadley Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Shirkada Somtel Uu Ugu Hanbalyeynaayo Adeegan Cusub Ee Ay Dalka Ka Bilowdey Rajeynayana In Uu Adeegani Noqon Doono Mid Buuxiya Baahiyo Fara Badan Oo Ay Qabeen Bulshada Isticmaasha Shirkada Dahabshiil Baanka Dhexe Ee Somaliland Uu Soo Dhaweenayo Adeegan.

“Hadaanu Nahay Bahadi Baanka Dhexe Ee Somaliland Waxaanu Aad Iyo Aad Ugu Farax sanahay In Dahabshiil Group Uu Maanta Halkan Ku Soo Bandhigayo Adeeg Had Iyo Goor Fudeynaya Sida Lacagta Loo Qaato Kaasina Waa Adeeg Ku Soo Kordhey Adeegyada Baananka Somaliland Waxaan Leeyahay Waad Adeeg Aad Loogu Baahana Isla Markaana Sahlaya Sidii Bulshadu Lacagta U Kala Qaadan Laheyd Anaguna Hadii Aanu Nahay Baanka Dhexe Somaliland Aad Iyo Aad Baanu U Soo Dhaweynaynaa” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland Cabdi Dirir Cabdi.

 

Gabo Gabadii Waxaa Halkaasi Ka Hadley Isla Markaana Hadalka Ku Soo Dhaweeyey Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Waxaana Uu Sheegay In Uu Shirkada Dahabshiil Group Uu Aad Ugu Hanbalyeynaayo Hawlaha Kala Duwan Ee Ay Dalka Ka Wado Adeeganina Uu Ka Midka Yahay Wasaarada Maaliyada Oo Uu Isagu Wasiir Ka Yahayna Uu Aad Iyo Aad U Soo Dhawenaayo “Munaasibadani Waa Munaasibad Qurux Badan Leh Isla Markaana Si Wacan Loo Soo Agaasimay Runtii Marka Koowaad Shirkada Dahabshiil Group Madaxdeeda Iyo Hawl Wadeenadeeda Aad Baan Ugu Mahad Naqayaa Hawlaha Baladhan Ee Ay Dalka U Hayaan Ee Uu Ka Midka Yahay Mashruucan Cusub Ee E-Dahab Oo Aanu Ilahay Uga Baryayaa In Uu Ilaahay Ugu Guuleeyo Sidii Kuwii Hore Ee Ay Ku Hore Ee Ay Wadeenba Ugu Guuleysteen.  Waxaan Leeyahay Shaqadani Waxaa Ay Wax Badan Ka Bedeli Doonta Guud Ahaan Shaqooyinkii Kala Duwaana Ee La Xidhiidhayey Maaliyada Wasaarada Maaliyaduna Waxaa Ay U Noqonayasaa Wax Weyn Oo U Soo Kordhay Faraxda Wey Noo Tahay Aad Iyo Aadna Waanu U Soo Dhaweyneynaa” Ayuu Yidhi Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Saamale.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Munaasibada Soo Afmeeray Isla Markaana Madasha Ka Yidhi Hadlo Kooban Ayaa Waxaa Uu Ugu Horen Mahad naq U Jeediyey Madaxada Kala Duwan Ee Shirkada Dahabshiil Group oo Ugu Horeeyo Gudoomiyaha Guud Ee Shirkadaasi Maxamed Siciid Ducaale Horumarka Baladhan Ee Ay Sameyaan Shiradaha Dalkuna Ay Ka Qeyb Qaadanayaan Horumarka Guud Ee Dalku Ku Taalabasado Shirkadan Dahabshiil Groupna Ay Tahay Mid Dadka Iyo Dalkaba Wax Badan U Qabatey.

Ugu Danbeytii Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Waxaa U Halkaasi Xadhiga Kaga Jaray Ama Uu Ku Taah Furey Adeega Cuseb Ee E-Dahab Kaas Oo Ay Bixin Doonto Shirkada Isagaadhsiinta Ee Somtel .

HALKAN KA DAWO: