Kooxda Ajaanib Ah Oo Riwaayad Ka Dhigtay Hargeysa

0
416

10950663_10155207267795360_1401427174409552522_n 1378390_10155207271620360_8981448531028459790_n

Hargeysa, Somaliland – Safiirka dalka Britain u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Neil Wigan iyo wefti uu hogaminayo ayaa ka qayb galay kulan lagu soo badhigayey Riwaayad “Hamlet” la sameeyeyey sanadkii 1599, kaas oo uu hal abuuray abwaan uu dhashay dalka Ingiriska oo magaciisa la odhan jiray William Shakespear.

William shakespear oo ahaa qoraa iyo hal abuur hindisay riwaayado badan intii aanu dhiman bishii April 23, 1616 oo uu ku geeriyooday magaalada Stratford upon-avon ee dalka Ingiriska. Sanadihii ka dambeysay geerida ninkan, waxa wadamada reer galbeedka ah aad looga xiiseeyay daawashada Riwayadihii ninkaas.

neil and Ayan

Weftigan uu hogaminayo safiirka dalka Ingiriska Mr. Wigan magacoga laa yidha “Globe to Globe Hamlet” ayaa waxa ku jirta kooxdan reer Ingiriis oo hore u soo martay 70 Wadan oo ay ku soo bandhigeen riwaayado kala duwan oo uu lahaa Shakespear. Waxana dalka Somaliland uu noqday dalkii 70ad ee lagu bandhigayo.

10942591_10155207262305360_2654633751698699082_n 10922866_10155207261485360_5709659745779823610_n 10414392_10155207260385360_4630941808491881958_n 1907551_10155207263200360_375341370927181714_n

Urur dhaqameedka Red Sea Cultural Foundation oo ah urur xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ayaa casuumad u fidiyey kooxdan. “Waxaanu  ka shaqaynaa bandhigyo dhaqameedka, gabayada iyo sugaanta anaga ayaana soo qabanqaabiyey badhigan kooxda jilayaasha ah ee Globe to Globe Hamlet, kuwaas oo muddo laba sano ah booqanayey 70 dal oo ay ku jirto Somaliland.”ayuu yidhi Agaasimaha Redsea Cultural Foundation Jaamac Muuse Jaamac ooh ore hay’adiisu bandhigyo dhinaca dhaqanka iyo buugaagta ah ugu soo bandhigtay Somaliland. “Kooxdan wax soo saarka ee Hamlet oo riwaayad ka soo dhigay 71 wadan iyaddoo diirada saaraysa inay riwaayadan ka dhigaan dhamaan 204 wadan ee aduunyadu ka kooban tahay. Sababta aan uu dhigeyno riwaayadan ayaa ah xiiso weyn oo aan u hayno, xiisahaas oo runtii in aanu la wadaagno caalamka ayaa nagu keliftay runtii.”ayuu yidhi Dominic Dromgoole oo ah madaxa jilaayasha kooxdan.

Hamlet in Somaliland

Bandhiga ayaa ah markii ugu horeysay ee ay dalka ka dhigaan koox jilayaal caan ka ah dunida dhinaca riwaayaduhu.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI