– Mudaharaadkii Jawaabta Ahaa Ee Gilgilay Xaafadaha Koonfur Bari Hargeysa
“Shiid iyo dhagax ayay Askartii la dhaceen. Ciidanku mid ayay markaas ka qabteen, iyaggoo dhexda ku soo jira ayay haddana ciidanka soo weerareen. Ciidanku waa ay is difaaceen xabadii….” Afhayeenka Booliska
Hargeysa, Somaliland – Alla ha Maxamed Cali Ismaaciil, ayaa rasaas ay fureen ciidanka Booliska Somaliland ku geeriyooday magaaladda Hargeysa, mid kallena waxaa soo gaadhay Dhaawac ka dib markii ay isku dhaceen ciidamadda booliska iyo koox dhalinyaro ahi.
Wiilkan dhalinyarta ah ayaa xalay la soo dhigay cisbitaalka guud ee magaaladdad Hargeysa, waxaanay dhakhaatiirta Cisbitaalku Saxafi u xaqiijiyeen dhimashadda wiilkaasi oo ay sheegeen inay xabaddu kaga dhacday Naaska dushiisa.
Wiilkan yar oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali ismaaciil oo da’diisu tahay 18 jir ayaa la sheegay waxyeeladu gaadhay kadib markii ay Ciidanka Boolisku isku dayeen inay qab-qabtaan Dhalinyaro ku ciyaaraysay Garoonka kubada cagta ee Maxamuud Axmed Cali, hase yeeshee ay taasi u suurto-geli wayday, isla markaana ay dhalinyaradaasi iska caabiyeen, kadib-na ay Ciidanku rasaas ay riddeen ay haleeshay Wiilkan geeriyooday iyo midka dhaawaca ah.
Wararka ka imanaya xaafadda Qudhac dheer ayaa tilmaamaya in mudaharaad lagaga xun yahay dilkasai dhacay ka dhacay xaafadaas, iyaddoo dadka xaafadaasi qaarkood wadadda xidhay, isla markaana taayiro ku gubeen.
Dadkan mudaharaadayey ayaa ka cabanaya toogasho ciidamadu booliisku ku dileen hal wiil, ka dib markii ay Ciidamada Booliiska iyo dhalinyarada xaafadaasi isku dhaceen. Iyaddoo dhalinyaraddan qaarkood oo la wariyay inay kooxo abaabulan isu rogooyin iyo ciidankuna ilaa xalay is baacsanayeen.
Af-hayeen u hadlay ciidamadda Booliska oo aanu xalay la xidhiidhnay ayaa ka hadlay sidda wax u dhceen, waxaana uu tilmaamay in ciidmadda amaanka oo hawlgal caadi ah ku jira afartii galabnimo ee shalay, “Ciidanku waxay arkeen buuq meesha ka taagan, waa ay ku leexdeen. Nimankan dhalinyarada ah ayaa soo weeraray. Shiid iyo dhagax ayay Askartii la dhaceen. Ciidanku mid ayay markaas ka qabteen, iyaggoo dhexda ku soo jira ayay haddana ciidanka soo weerareen. Ciidanku waa ay is difaaceen xabadii waxaa ay ku dhacday wiil, waanu ka tacsiyaynaynaa qoyskii uu ka baxay. Dhalinyaraddani waxaa ay sii waddeen rabshadii xaalkuna wuu xumaaday, waxaa ay boobeen meheradihii xaafadaas, waxaa ay burburiyeen gaadiidkii.” Ayuu yidhi af-hayeen Cabdilaahi. Waxaana uu intaas ku daray in ciidamadda amaanka ay illaa toban askari ka dhaawacmeen, sidoo kale ay ciidamadu qabqabteen illaa shan ka mid ah dhalinyaraddan kuwii kallena lagu daba-jiro amaankana la sugay hadda.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay Maalin ka dib markii uu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan uu iclaamiyey in hawl-gal adag ay Ciidanka Boolisku kaga hor tagi doonnaan Kooxo Dhalinyaro ah oo magaalada Hargaysa amni-daro ku soo kordhiyey, isla markaana iyaga laftoodu is dhibaateeya wakhtiyada qaarkood, waxaanu sheegay inay Dhalinyaradaasi mudan doonaan Xukuno dhaadheer oo aan iib iyo saamaxaad mida lahayn.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI