Caruur Reer Somaliland Oo Guul Laga Gaadhay Qaliino Wadnaha Lagaga Sameeyay

0
379

Turin, Talyaniga, – Cisbitaal ku yaalla dalka Talyaaniga ayaa ku guulaystay Qaliin xaga wadnaha ah oo lagu sameeyey laba caruur ah oo reer Somaliland ah oo bishii hore caafimaad ahaan loogu diray dalkaasi.

Labadan caruur ah oo da’doodu kala ahaayeen laba jir iyo shan jir oo xanuun halis ahi ka asiibay wadnaha, ayaa cisbitaalka Caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh u diray cisbitaalka Regina Margherita Children’s hospital ee magaaladda Turin ee  dalka Talyaangiga.

Bishii hore ee Dember 26,2014  ayaa labaddan caruur loo diray dhakhtarkaasi Talyaaniga, waxaana lagu sameeyey qaliin saacaddo badan qaatay oo lagaga sameeyay Wadnaha, taas oo dhakhaatiirta Talyaaniga ku guulaysteen qaliinkaasi, isla markaana caruurtaasi aad u fiican yihiin wakhtigan.

Labadda caruurta ah ee Da’doodu aad u yar tahay ayaa dalka dhexdiisa wax lagaga qaban kari waayey, waxaana dhowaan dib ugu soo noqon doonaan dalka, kuwaas oo ka soo bogsanaya qaliinka adag ee lagu sameeyey.

Cisbitaalka Caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh ayaa marka uu arkay in xaaladda caafimaadku halis ku jiraan la kaashaday dhakhaatiir dibadeed kuwaas oo markiiba ka aqballay.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI