Amman, Jordan – Wasiirka Warfaafinta ee Jordan ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay dhaafsato qof looga shakiyay argagixisanimo oo ku jira xabsi ku yaala dalkaasi, duuliye u dhashay Jordan oo ay heystaan dagaalyahanadda ISIS.
Mohammad al-Momani ayaa hadalkan uu kaga dhowaaqay Telefishinka dalkaasi maalinti Arbacada, iyadoo uu soo dhawaaday wakhtigii kama dambeysta ahaa oo ay kooxda Daacish qabatay inay ku gowraceyso maxbuuskan duuliyahaa.
Al-Momani ayaa yiri “hadii duuliyahaa, gaashaanle Mu’ath al-Kaseasbeh, la sii daayn wayoo isagoo aan waxba la gaadhsiin, xukumadda Jordan waxey ay wareejineysaa Sajida al-Rishawi, oo ah haweeney u dhalatay dalka Ciiraaq, iyadu haweenaydasi ka mid ahayd kooxdii fuliisay weerarkii argagixiso ay ku dhiinteen ugu 60-ka qof sanadkii 2005-tii ka dhacay magaalada Amaan ee xarunta dalka Jordan.”
Al-Momani ma uusan soo hadal qaadin la heystaha kale, wariyaha u dhashay dalka Japan, Kenji Goto, oo isna sidoo kale ay ISIS ku hanjabtay inay dileyso.
Xukumadda Japan ayaa ka codsatay Jordan inay gacan ka geysato sidii loo sii deyn lahaa wariyahaasi.
Hoyada dhashay Goto ayaa maanta oo Arbaca ah sii deysay codsi qoraal ahaa oo ku socday ra’isul wasaaraha Japan Shinzo Abe,iyadoo ka codsatay inuu wax walba sameeyo si uu u soo badbaadiyo wiilkeeda, oo ay sheegtay inuusan cadow ku aheyn Islamka.
Sabtidii, ayaa Kooxda ISIS waxey sii deysay muuqaal fidiyow oo muujinayay Wariye Goto, oo wata sawirka laheyste kale oo u dhashay Japan, Haruna Yukawa, oo sida muuqata ay gowraceen.
Muuqaalkaasi video-wga codka ku duuban ama lagu codeeyay waxa uu si toos ah ugu eedeeyay ra’isul wasaare Abe, inuu masuul ka yahay dhimashada.
Kooxda Daacish, oo hadda maamusha sadex meelood meel dhulka Syria iyo Ciraaq ayaa ku hanjbatay todobaadkii tagay inay qudha ka jareyso laheystaasha reer Japan, hadii aan la siin lacag madax furasho ah oo ay ku dooneyso oo gaareysa $200 malyuun.
HALKAN KA DHEGAYSO: