Dhaqso haw ilaawina: Marxuum Suxufi Maxamed-rashiid Muxumed Faarax
(1975—2014)
Ku xasuuso inu xoojin jiray kay ka xagal daacdo
Ku xasuuso inu xeerin jiray xaalka Gobi leeday
Ku xasuuso inu xeeban jiray goorta la is xaaqo
Ku xasuuso ruuxii xil GABA suu u xuganaayey
Dad ururiye lagu xoomi jiray meesha xaruntiisa
Ku xasuuso xayraan wax biday xeedho lagu deeqo
Qayb ka mida gabay baroor-diiq ah oo uu tiriyey Abwaan Weedhsame
Way jirta oo bani aadamku waa ilowshe dhawe, waana sababta Eebbe ugu doortay magaca (Insaan) oo macneheedu noqonayo ‘kii ilowga badnaa,’ sidaas oo ay tahay, hadana waxan is leeyahay waxa aan marna qalibigeena ka bixi doonin kaalintii uu bulshada kaga jiray walaalkeen Maxamed-.rashiid Muxumed Faarax Caalin oo ahaa xog-hayihii ururka suxufiyiinta ee SOLJA oo uu xaqii ku helay29/12/2014 magaalada Nairobi cusbitaal ku yaal isagoo u jiifa dhaawac ka soo gaadhay gaadhi kula gadoomay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera. Laguna aasay Hargeisa 30/12/15
Dhamaanteen waynu yaqiinsanahay geerida oo qof kastaa wuu dhadhaminayaa lamana hurayo ee waa lagu kala hor marayaa uun.
Haddaba waxaan qalinka u qaaday inan idin xasuusiyo inyar oo ka mid ah shaqsiyadii marxuum Maxamed-rashiid oo ahaa shaqsi aan waligay maskaxdayda ka dhamaan doonin kuna dhex nool qalibgayga.
kollay qormo laguma soo koobi karo qofka uu ahaa M.rashiid ee tani waa xasuusin uun iyo inaan idiin soo gudbiyo hamigiisii intaan ka aqaanay maadaama uu ahaa shaqsi aan jid la maray, jidiin la cunay, jabadna la dagay, Waana shuruudaha ay Somalidu u dhigtay aqoonta qofkaad u leedahay.
Inta aanan taariikh nololeedkiisa soo qaddimin aan marka hore xusso marxuum M.rashiid Ilaahay jannooyinkiis ha ku casuumo’e, waxa lagu xusuusan doonaa inuu lahaa hibooyin badan oo Ilaahay ugu deeqay intuu noolaana uu ku yaqaanay qof kastoo aqoon u lahaa, haddaba BAL aan ka xuso qaar kamida hibooyinkaa badan ee uu ku sifoobay marxuum M-rashiid
Karti badani: Marxuumka EEBBE ha ka dhawro naaraha’e waxa uu lahaa karti badan oo qayral caadi ah oo cid waliba ku xusuusan doonto, haday tahay xagga saxafiyiinta iyo daryeelkooda oo aaanu mar qudha ka caajisi jirin isagoo gidiga maanta shaqaynaayay ayaa la odhanayaa waxaa la xidhay hal saxafi,, waxa uu ahaa qofka qudha ee marka la wada daalo isagu aan daali jirin ee ku noqnoqon jiray saldhigyada iyo meesha uu ku xidhanyey saxafigaasi, muu kala jecalyn haduu joogo Qulujeed (Boorama) iyo hadduu joogo Laascaanood halka u shishaysa ee xadka JSL. Waxa uu ahaa shaqsiga intaan aqaanay aan waligii 2 saacadood meel wada fadhiyin, intaa hawl uun buu ku jiray mid xidhan oo uu soo daayo ama u doodo mid xanuunsanaya oo uu soo eego ama arrimaha danta guud iyo xuquuqal insaanka oo uu aad uga shaqayn jiray.
Waxa uu ahaa xog-hayaha guud ee ururka suxufiyiinta ee SOLJA ee JSL , isla markaa waxa uu ahaa shaqsi kaalintiisa ay aad u tabi doonaan guud ahaan suxufiyiintu gaar ahaan ururkii uu ka tirsanaa ee Solja, iyadoo aanu safar u qorshaysanayn ayuu maqlayaa mid saxafi ah ayaa lagu xidhay meel heblaayo, degdeg ayuu u bixi jiray isgoon hayn miisaniyad iyo maal uu ururku leeyahay oo loogu talagay hawlaha noocaas ah, waxa uu ku maarayn jiray dhamaan hawlahaas kartidiisa, halgan qadhaadhna waxa uu la soo maray dhamaan xukuumadii kala dandanbeeyay ee dalka soomara ilaa maanta.
Daacadnimo: Waxa in badan oo asxaabtiisa ugu dhawaa ka sheegi jireen anna aan ku aqaanay inuu ahaa qof calool xaadhan oo daacad ah khiyaamadana aan aqoon oo balanta ilaalin jiray. Waxa soo maray arrimo badan intuu xog-hayaha ahaa iyo intii ka horeysayba ee uu warbaahinta ku jiray waxa uu kaga baxay daacadnimo badan oo uu lahaa. Waxaan usoo joogay habeen ayaa waxa laga xaday Combuuterkisii, hard disk iyo qoraalo badan oo mihiim ahaa oo ugu jiray shandada mudo ayaanu ka warwersanayn qoraalada iyo faylasha ugu jiray, laba ilaa saddex cisho ka dib ayaa waxa na soo qaraacay tellfoon leh waxa la iga iibiyey combuuterkaagii oo ay qolo iga iibisay, markaa waxaan gartay inaad adigu leedahay, sidaa awgeed miyaad ii celinaysaa lacagtii aan kuu keeno alaabadaadiiye…. haa buu ku yidhi. Ninkii ayaa kusoo celiyey oo yidhi waayahaye soo dir lacatii kuna soo dir tellefoonkaas …allabtaadiina inagoo aan is arag ayaan meel kuu dhigayaa waad ka qaadan doontaa ma doonaayo inaynu is aragnee……… waayey ayuu ku yidhi.
Waxaan ku nidhi anagoo badanayn… oo ma lacagta iyo allaabta badane kaa maqan ayaad is raacinaysaa,,,,, waxuu yidhi haa walaal waa aduun yee ma dhibay leedahay ha wada qaadto hadduu sidaa isagu garto .,,,hadda waa tuug qaatay alaabtiisii oo dhan ninka uu heshiiska la galayaa ee uu aaminayaa ,, arrinkaasi adagaa go’aansadaye … waayahay ayaanu ku nidhi.
Lacagtii aniga ayuu ii soo diray waxaan anna u diray teleefoon uu noo soo sheegay, ninkii… galinkii danbe…la soco
Hussein Abdi Awil (Foodcadde)
Tell: 063-4440165
Email: food44401@gmail.com