Zurich, Switzerland – Sirdoonka Switzerland ayaa baadhaya Nin toddobaadkii hore isku qarxiyey Hotelka SYL ee ku dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya kadib markii hay’ada nabad sugida Somalia sheegtay inuu haystey aqoonsi Swizz ah.
Afhayeen u hadashay sirdoonka Switzerland Carolina Bohren ayaa u sheegtay AP, in ay qirayso in ninkaasi uu ka tegay dalkooda 2013-kii. Isla markaasna uu haystay deganaansho kumeelgaadh ah iyo document dhinaca socdaalka ah.
Waxay beenisay inuu lahaa dhalashada Switzerland. Afhayeen Carolina Bohren waxay sheegtay in ay baadhis kadib shaacin doonaan magaciisa iyo macluumaad kaleba.
Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa Khamiistii shaacisay magaca ninka is qarxiyey oo ay ku sheegeen Maxamuud Cismaan Jicmaale, sirdoonku waxay xuseen inuu isagu waday gaadhiga qaraxa laga soo buuxiyey ee galay SYL oo ay joogeen wefdi horudhac ah oo Turkiga ah.
XIGASHO: Wargeyska Saxafi