Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Bilowday Olole Lagu Banaynayo Jidadka Degmadda Axmed-Dhagax

0
406

OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa, Somaliland – Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa shalay subaxii hore hawlgal balaadhan oo ay ku banaynayso jidad ka xidhmay degmadda Axmed Dhagax ka bilaabay degmadaasi.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in Wadadan noqonayso mid laami ah taas oo isku xidhi doonta degmooyinka 26 June, Axmed Dhagx iyo Maxamuud Haybe,isla markaana ka gudbi doonta koonfurta Beerta Xoriyadda,iyadoo Dooxa loo samayn doonno Biriish.

Sidoo kale, Maayarku waxa uu ka hadlay qoysaska qaarkood oo wadadda dhexdegay oo gidaaraddii ay wadaddu soo gashay laga dumayey, kuwaas oo shiid iyo dhagaxaan kala hor yimid gaadiidkii dawladda Hoose, waxaanu ugu baaqay in shaqaalaha dawladda hoose iyo ciidanka Amniga la shaqeeyaan maadaama oo wadooyinka loo samaynayaa dadweynaha u dan tahay, waxaanu amaan usoo jeediyey qoysaskii go’aanka adag qaatay ee danta guud ka taliyey ee ogolaaday dhismayaashii wadada soo maray in la dumiyo.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Maayarka ayaa dadweynaha dhex degay wadooyinka ugu baaqay inay ka sii tabaabushaystaan, isla markaana aan qofna loo deynayn in waddo dhisto, isagoo u mahad naqay dadweynaha la shaqaynayey dawlada hoose mudaddii hawshu socotay “maanta waxaanu samaynay wejigii kowaad ee banaynta wadada  Maraysa beerta xoiriyada, cawaalle jidhoon, wadadaasi oo wajigeedda kowaad  ee u soconaysa koonfurta la bilaabay, waxaanay wadadaasi u kala bixi doonta Bari iyo Galbeed, dhinaca galbeedka waxay kaga xidhmaysa xeradda Ciidanka Booliska ama Warshadda Laydhka Hargeysa,  dhinaca Bariga waxay kag xidhmi doonta Maxamed mooge ayey ka talaabi doonta”

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Maayarku amaan usoo jeediyey shaqaalaha dawladda hoose iyo ciidanka Amniga oo hawlgal balaadhan oo jidad banayn ah sameeyey, waxa uu yidhi”Waxaan u mahad naqaya shaqaalaha dawladda hoose iyo ciidanka booliska, oo u dhabar adaygay iyo dadweynaha intoodda badan oo si fiican usoo dhoweynayey, waxa nasiib daro ah in qofku marka uu waddo dhisto in cagafyadii dawlada uu jajabiyo oo uu shiido, oo ciidanka kala hor yimaaddo dhagaxaan, dadkii ciidanka iyo dawlada ka hor yimid ee baabuurtii masuuliyinta qaarkood jajabayey sharciyada  horgaynaynaa,waxan u mahad celinayaa dadkii sida fiican noola shaqeeyey way xanuun badan si kasta oo dhismo sharci daro ku dhisato hadana way adagtahay in la dumiyo,  waxaase aad ugu mahad celinayaa dadkaasi oo dawlada hoose la shaqaynayey oo u dhabar adagayga iyagoo hantidoodii la duminayo inay jidka baneeyaan waxayna og yihiin wadaddu muhiim tahay, waxa la samaynaya waa hawl dan guud ah, oo umadda oo dhan u adeegaya,maanta marka ay saxmadu wadooyinka ka taagan tahay qofka doonaya Ambasodor ama Haaf landon dee wadadan ayuu maraya, magaaladu way ka raysanaysa saxmadii, xaafadduna wadooyin fiican ayey helaysaa oo wadooyinku waxay ka qaybqaataan kobocoa dhaqaale, imika wadooyinka ay samaynayey way ka qiimo badnaanayaan xaafadaha aan wadddo lahayn, waxaana qiimaha u yeelaya waa wadadda, oo markii bilaa wadadda ahayd iyo imika isku qiimo noqon maysaan, sidoo kale isku xidhka magaaladda ayey fududanaysa, waxaan leeyahay dadweynaha Hargeysa gaar ahaan degmooyinka hawlgalka waddo banayntu ka socota waa inay u diyaar garowbaan oo ay dawlada hoose la shaqeeyaan”.

Maayarka ayaa dadweynaha usoo jeediyey inay la shaqeeyaan dawladda hoose, isla markana mashaariicda horumarineed ee xaafadaha ka jira qaybtoodda qaataan.

Si kastaba ha ahaatee, hawlgalkan balaadhan oo bilaabmay shallay subaxii hore ayaa ayaa waxa hogaminayey Maayarka Caasimdda, Xoghayaha dawladda Hoose, xildhibaanada iyo madaxda sarsare ee dawladda Hoose.

XIGASHO: Wargeyska Saxafi