Hargeysa, Somaliland – Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland ayaa Xukuumadda Somaliland u soo jeediyay inay raali-gelin iyo xaal ka bixiso eedo uu sheegay in xubno ka tirsan Golaha Wasiiraddu ay u jeediyeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.
Buur-madow oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayay, waxa uu yidhi “Waxaan xukuumada uga mahad naqayaa wax qabadka badan ee ay samaysay, anigu xukuumadana waan toosiyaa oo waan la hadlaa mucaarikduna wuu u tirsadaa, markaan sidaa leeyabay waxaan arkaa mararka qaarkood inaanay mucaaridku taaban meelaha ay xukuumadu dhaliisha ku leedahay ee ay ugu badinayso, waxaan maqlayey mucaaridka oo ka hadlaya madaxweynuhu meel hebla umuu hoyan iyo meeshaas si fiican umuu marin, anigu safarkii madaxweynaha waan hanbalyeeyey meel qudha ayuu dhaliil ku lahaa mucaaridkuna kamay hadal, xukuumadana waan uga tacsiyadaynayaa inay meeshaas ku dhacdo.” Ayuu yidi Buur-madow.
“Meeshaasi waxay ahay markii Madaxweynuhu xadhiga ka jarayey waxyaalihii qiimaha badnaa ee laga hir galiyey Dekeda Barbera ee horu marka ahaa ee ay xukuumadu ku talaabsatay, ayaa nin wasiir ah oo madaxweynihiisii sharafta badnaa dhinac fadhiya ayaa waxa uu ku aflagaadooday madaxweynihii hore ee qaranka soo maray Daahir Rayaale Kaahin oo qarankan sharaf sumcad iyo horu marba gaadhsiiyey wuxuu kaga hadlay inuu tuug ahaa lacagta guriga dhigta,waxaann leeyahay waxay ahayd inay arinkaas xukuumadu raali galin iyo xaal ka bixiso, madaxweyne tdaahi rayaale taariik h aaanay dalkan cidi gaadhsiin ayuu gaadhsiiyey afar doorasho ayuu dalka ka qabtay, rag badan oo imika xukuumadan dhinacyada hayana wuu ka tagay haday tahay maareeyaha dekada Berbera iyo wasiirka arimaha gudaha.”
Boqor Cismaan Buurmadow oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Waxaanan filayaa inaanay xukuumada maanta uga baahnayn udud inay u ducayso, balse ay rool model Daahir Rayaale sharaf ayuu inaga mudan yahay, maantana maaha in wasiiradii ugu culus xukuumad inay Madaxweynaha soo dhinac fadhiistaan oo af lagadeenayeen madaxweynihii hore, arintaasi maaha mid fiican dhanka dhaqana way inoo noqon oo madaxweynaha maanlinta uu ka taago sidaas ayaa loo caayi dona. Madaxweyne Daahir Rayaale sharaf ayuu inaga mudan yahay arintaasna xaal ayaan ka siinayaa, dad badan oo hadaanu nahay dhaqankiina nala soo xidhiidhay ama siyaabo kala duwan noo waydiiyeyna raali gelin iyo xaal ayaanu siinaynaa, xukuumadana waxaanu leenahay in laydin kaga daydo wax qabadka oo wax badan oo qabateen ayaad leedihiin laakiin dhaliil iyo cay nin aan idinka mudnayn maanta idiinma fiicna arintaasna aad ayaan uga tacsiyadaynayaa.”
HALKAN KA DAWO: