Badhasaabka Awdal Oo Ka Hadlay Weerar Lagu Soo Qaaday Gurigiisa Kana Dayriyay Xaalada Amaanka Borama

0
307

Waxa Tacshiirad Rasaas Ah Lagu Furay Guriga Badhasaabka Oo Aanan Joogin Labadii Habeenimo

Borama, Somaliland – Guddoomiyaha gobalka Awdal Cabdo Axmed Aayar, ayaa ka hadlay weerarada dablayda aan la aqoonsan ku soo qaadeen xarumaha dawladaha ee magalada Borama.

Badhasaabku waxa uu sheegay in weerar lagu soo qaaday gurigiisa, waxaanu tilmaamay in dadka weerarka gaysanayaa ay ku jiran gudaha magaaladda, cidamada bileysku wakhti xadirkaan ay badhayaan. Sidoo oo kale waxa uu gudoomiyahu uu eedaymo u soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka xisbiga Wadani.

“Waxa dhawaan budhcad dabalay ah ay soo weerareen saldhig booliska ee magalada borama, waa dablay aan abtirsiimo lahayn oo aanay cidina sheegan. Waxa ay ahaayeen niman intay rasaas uun fureen hadana markii lagu furay cararay, cid lagama qaban laakiin wali baadhistoodii meeshay ku danbeeyeen iyo meeshay ka yimaadeenba  wali waa lagu dabo jiraa, waxa sida oo kale tacshiirad rasaas ah lagu furay guriga badhasaabka oo aanan joogin labadii habeenimo, askarta heeganka ahayd mid ka mid ah ayaa laygu sheegay inay wajigiisa  jiidhaysay waxna may yeelin ee gidaarka ayay qabsatay.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaan leeyahay ma qurux badan rasaasta magaaladda dhexdeeda lagu furayaa, dadka waxaas samaynayaana magaaladda gudaheeda kama baxsana, kuwa magaaalada ka baxay ee loo filaayo u malayn maayo, inay magaaladda ku guda jiraan oo ku qarsoon yihiin ayaanu filaynaa uma qurux badana bulshada iyo nabadgalayda wax la yeelo, waxaan leeyahay ha laga daayo magaaladda rasaasta habeenkii la furaayo, waana la helayaa dadkaas falalka budhcadnimada ah magaaladda ka hoos wada.”

Sida oo kale waxa uu guddoomiye Awdal Cabdo Axmed Aayar uu dhaliil u soo jeediyay guddoomiye xigeenka Wadani Axmed Muumin Seed waxaana isaga oo arintaas ka hadlaayay uu yidhi, “Guddoomiye ku xigeenka Wadani oo deegaanka ah dhawr  jeer ayuu ku baaqay in qoriga la qaato, waxa ay weeraradu ka yimaadaan halka uu deegaanka ka yahay, hadan soo qaato degmada Holhol oo markii ugu horaysay ay weerarka ku soo qaadeen ahayd, waa halka uu deegaanka ku yahay dhexdeeda dagmada Laas oo halka ay doraad fadhiyeen kuwa jabhada lagu tilmaamaa reerkiisii iyo deegaankiisii.

Ciidanka booliskana waa halkii rasaasata lagaga riday waxaan leeyahay hadii aad wax ka qabanaysid adiga gondahaaga kama foga inta wax rida iyo inta xumaanta wada ee rasaasta wada, adiga oo ah qofkii labaad ee xisbi hogaan ka ah hadana in arimahaasi ku hoos yimaadaan anigu waxana u arkaa nasiib daro.”