Muqdisho, Somalia – Taliyihii hore ee qabilsaana siirdoonka ururka Al shabab Zekariye Ismaaciil Xirsi oo bishii December sanadki hore, ka soo goostay xarakada Al-shabaab isagu isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo, ayaa shaaciyee inuu qaatay nabada sida uu ku sheegay shir jaraid uu manta ku qabtay magalada Muqdisho ee cassimada Somalia.
Zekariye ismaaciil xirsii waxa kalo uu ku sheegay shirkiisi jara’d xilka uu ka hayee ururka al shabab uu ahaa xubin ka mid ah Al-shabaab oo aan xilal kala duwan u soo qabtay, taas oo ku keliftay inn manta uu shirkisa jara’id caddeeyoo.
Zekariyee Ismaaciil Xirsii shirkisi jara’id uu dhignaa sidan:
“Ujeeddooyinkii ururka Al-shabaab uu ku billowday oo ahaa kuwo dad badan ay niyad ay u muujiyeen niyad wanaag soona jiitay. Haddana nasiib-darro waxaa dhacday in waddadaas ay majaro-habaabiyeen shaqsiyaad dano gaar ah oo gurracan watay, fara-galin iyo aragti shisheeyana aysan ka marnayn.
Xaaladduna Waxay ku Dambeysay:
- in laga been-sheego ku dhaqankii shareecada laguna dhacay xad-gudub diineed.
2. Midnamadii iyo wada-tashigii ururkana oo meesha ka baxay.
3. Xariirkii bulshada oo xumaaday, kaddib markii loona turi waayay.
4. Dulmi iyo xad-gudub badan oo loo gaystay xubno ururka ka mid ahaa.
5. in jihaadkii la leexiyay, loona rogay in shacabka lagu beegsado, dhiigna lagu daadiyo.
“Waxaa xaqiiqo ah in fikirkaas qaloocan uu ku koobanaa rag fara-ku-tiris ah oo hoggaanka ururka Al-shabaab ka tirsan, waxaana jira dad badan oo aan fikirka la qabin; isla markaana aan ku qanacsanayn sida ay wax u socdaan,” ayuu yidhi Zakariye ismaaciil. Zekariyee Ismaaciil Xirsii oo ahaa taliyaha siirdoonka ee gobolka Gedo ee ururka al shabab.
HALKAN KA DHEGAYSO: