Waxaa maalintii 21-ka bishan January ku soo xidhay dekedda Berbera Markab sidday qalab milateri oo saanad culus ah, waxaanu maalin keliya ka soo horeeyay Safarkii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo wefti culus oo uu hoggaaminayay ay ku soo gaadheen magaalada Berbera.
Markabkan oo sida wasiirka Daakhiliga Somaliland Cali Maxamed Warrancadde inoo sheegay markii uu Korey uu ku soo arkay Hub culus oo tikniko beebeeyo ay ku jireen, altaleri ah, baabuurta gaashaaman, laashashka dheereeya, rasaas badan iyo weliba baabuurta aan rasaastu karin. Waxa kale oo uu wasiirku inoo sheegay inay wax dhokumenti ah oo sharci ah oo ay u siddaan saanadddaas milateri aanay jirin.
wargeyska saxafiHaddaba bal aynu isku dayno inaynu yar saadaalino waxa lagu sameyn karo hub intaas le’eg. Markabkan ayaa ah nooca loo yaqaan Ro-Ro, oo aynu u naqaano daba-furte, kaas oo ah mid gaadiidku iyagoo soconaya ka soo baxaan isla markaana aan u baahan wiish iyo qalab kale oo ka soo dejiya qalabka saaran. Madaxweynuhu waxa uu soo balay magaalada Berbera, markabkaasina wuxuu sii joogay dekedda hal habeen, waxaa suurta-gal ahayd in gaadiidka tiknikada ahi si dhibyar uga soo bixi karaan Markabka gudihiisa, iyadoo ay u fududayd inay ku weerari karayeen weftiga Madaxweynaha ee halkaas oo galay, iyo dekedeena laf-dhabarta u ah dhaqaalaha waddankeena. Aan idin xusuusiyeen wuxuu wasiirku inoo sheegay in gaadiidka aan rasaastu karin ay ku jiraan, taas oo la micno ah inaan wax caabiya la heleen.
Haddaba iyadoo hubkani halista intaa le’eg uu qarankeena gelin karayey, ayaa waxaa muuqata in xukuumaddeena iyo hay’adaha amniga ee uu ugu horeeyay Wasiirka Daakhiliga ee soo arkay hubka inta le’eg, aanay weli wax tallaabo ah ka qaadin hubkii ee uu weli saaran yahay Markabka, oo ay dhici karto in xitaa ciidankii weli maqan yihiin oo si sahal ah diyaarado qumaati ku kaca lagu keeni karo.
Miyaanay haboonayn in si degdeg ah hubkaas looga dejiyo Markabka isla markaana halista laga badbaadiyo qaranka Somaliland, oo laga sahashiga ka muuqda masuuliyiinta Somaliland.
Dhinac kalena haddii uga wareegno adduunka kama dhacdo in deked qaran oo dal leeyahay Markab hub siddaa oo aan loo sii sheegin iska soo istaagi karo, waayo adduunyada waxaa muddooyinkan dambe ka jira kooxo argagixiso iyo budhcadba ah oo cir, bad iyo dhulba dalalka ka weerara, waxaanay dhici karta in hubkan laftiisu uu noqon karo mid ay kooxo argagixiso leeyihiin, waayo, ma dhici karto in Markab hub caynkan ah sidda uu si yar dekeddo kale oo aan ahayn tii uu u sidday iskaga soo geli karo.
Waxa dhici karta in hubkan ay yeelan karto dawlad la saaxiib ah Somaliland, balse taasi marnaba Somaliland kama horjoogsan karto inay hubkaas sidiisa ula wareegto, waayo, dawladda kula saaxiibka ah ee hubka noocan ah dalkaaga soo marinaysaa dabcan sida sharciga caalamiga ahi dhigayo way ku sii ogeysiinaysaa, taasi may dhicin oo wasiirka Daakhiligu inooma sheegin dawlad saaxiib inala ah oo inoo sii sheegtay in hubkaas Markab u siddaa soo marayo dekedda Berbera oo ay ka sii war-hayaan.
Waxaa kaloo dhici karta, in hubkan la yidhaahdo waxaa loo wadday dalka Somalia oo dawlado badan oo dunida ahi ay ku mashquulsan yihiin inay ciidankeedii loo dhiso, taasina waa mid cid kastoo reer Somaliland ahi garanayso khatarta uu hubkaasi mustaqbalka inagu yeelan doono. Waayo, dawladda Somalia waa caddowga koowaad ee aynu wakhtiga xaadirka leenahay, isla markaana marwalba dalkeena sheegata inuu yahay mid maamulkeeda hoostaga, oo ay ku hamiyey in xal iyo xoogba aynu mar kale ka mid noqono riyadda Somaliweyn.
Si kasta ha ahaatee, waxaa cad in hubkan Markab lagu tahriibanayaa halis geliyay qarankeena iyo weliba Madaxweynihii qarankeena, sidaas waxaa xukuumadda iyo hay’adaha difaacaba u banaan inay si degdeg ah hubkaas uga dejiyaan Markab oo khatarta ka baajiyaan qarankan, isla markaana ula wareegaan hubkaasi.
Shacabka Somaliland marnaba maqli sifahay doonto ha yeelatee in si dhib yar loo yidhaahdo hubkaasi waanu sii deynay iyadoo aan la raacin tafsiir dhamaystiran oo saluug lahayn sharci ahaan iyo caqli ahaan. Ta kale waxay muuqaal ka bixin doontaa caqliyada dawladnimo ee Somaliland ku waajihi karto halisaha noocan ah ee soo waajihi kara.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI