Suldaan Cawil Fiiqle Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Suldaan XIIREY, Soona Dhaweeyey Talaabadii Uu Madaxweynuhu Ciidamada Kaga Raraay Dhulkii Masalaha

0
322

“In Shaqale dhulka mar hore ayaa shaqada lagaga eryay, hadana waa lagu soo celiyay, tii uu xilka ku waayay ayuunbaa u muuqataa, wax hore ku gaadhay hadaad ku xisaabtami-waydo”

Hargeysa, Somaliland – Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle oo ka mida Salaadiinta Beel-weynta CIIDAGALE ayaa  ku bogaadiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) talaabadii uu ciidamada qaranka kaga raray dhulkii Masalaha ee lagu muransanaa, isla markaana uu soo dhaweeyey guddidii uu u saaray xalinta murankaasi ka dhashay dhulka Masalaha ku yaala.

Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle waxa uu si adag ugu jawaabay hadal ka soo yeedhay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, isaga oo kula taliyay inuu noqdo Suldaan degen oo fududeyn.

Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Anigo oo ah Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle waxan doonayaa inaan ka hadlo arrimo aan xalay ka daawanayay warbaahinta Somaliland, oo ann ka hadlo halka ay ka bilaabeen iyo sababta igu kalifay aan garan-waynay. waxana la yidhi Waxad ku hadasho waxa laga odhanayo maad hadasheen. Xalay waxa uu

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey add ugu tiiq-tiiqsaday ciidamada qaranka Somaliland, isagu sheegay inn la ilaaliyo Ciidamada qaranka iyo Somaliland-nimada ciddina nagama jecla, Annagaa ayaa ilaalinayna. laakinse cidda wax ku lunsanaysa oo sharaftii dawlada ku lunsanaysaa ay ka mid tahay Garoomadii kubadda carurtu ku ciyaari lahayd, anagu ma ogolin, ceebna maaha.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana Suldan Fiiqle waxa uu yidhi “Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ciidamada qaranka ee uu maanta aadka afka ula  dhacayay, waakii Xerrada Ciidamadda Qaranka ciidan beeleedka ku weeraray ee miyiga uga soo gurey oo iyaga oo hurda ku miirey. Way noo muuqataay oo kumaanaan dhalaaceyn oo waan ka aamusnay anagu u xil-qarinayna.”

“Meel aan la isku dilin, oon ceeb la isku odhan, oo cid dan gaara wadata, la la hadlayo, ayuu aad ugu nuux nuuxsanayay xalay. Waa nasiibdaro waxa ugu dhex jirana ma garanayo,iska dhaadhicinta iyo guul-waleynta iyo is tusku waa wax xun haddii aad tahay madax-dhaqameedka. Suldaan Yuusuf marka uu halkaa (Dhulka Masalaha) ka hadlayay wax laga dhex qodaa kumay jirin. Akhyaar ayaa hadashay wax ay khalad u arkeen oo ah inaan darajada ciidamada shacabka loo adeegsanin, cid lamay dagaalamin, cid kacdoon kumaysamaynin, oo dadka way dajinayeen oo nabadgelyada way ilaalinayeen”.Ayuu yidhi Suldaan Cawil

“Waxaan dawlada iyo shacabka reer Somaliland u sheegaynaa Ciidamada qaranku waa ciidamadayadii, waa inamadayadii, waanu ogol-nahay oo xumaan uma ogolin, wax xad-gudub ahna uma ogolin, cidda darajada sidata ee xilka loo dhiibay ee sharaftii qaranka sidata, in dhulkaa (Masalaha) oo dad maati ah laga raray oo ay lahaayeen inay awood u adeegsato ma ogolin. Maanta joornaalka ayaan arkay oo Madaxweynaha ayaa Digreeto soo saaray oo uu ku mahadsan yahay, inuu yidhaahdo arrintaa (Muranka Dhulka Masalaha) ha la galo oo si dhakhso ah ha loo galo, Ciidankuna xeryahoodii ha ku eekaadaan, boqolkiiba boqol (100%) waanu ugu hambalyeynaynaa hadalkaasi, waa hadal masuul, waa mid madaxweyne waa midkii aanu ka eegaynay ee laga dalbaday…markii uu Suldaan Yuusuf Xiirey hadlayayna waanu ogeyne waraaqdaasi way taalay,wax la dhameeyey oo madaxweynihii dalku ka jawaabay ka hadalkeeduna waa nusqaan.waxaan leeyahay Suldaan noqo Suldaan degen, suldaan dul-duul-yaqaana ha noqon, saldanadu masuuliyad ayay leedahay, culeys ayay leedahay, hubsasho ayey leedahay.Haday wax dhacaana maxaad sameyn lahayd? Iyada oo aanay waxba dhicin ayaad sidaad og-tahay u hadlaysay, oo weliba cadho ka muuqatay, iyada oo sidaadii oo kale la sameeyo maxaad yeeli lahayd oo ciidan xeryihii dawlada jooga habeen la miro…. Suldaan Xiirey reer (Ciidagale) ayaad la hadlaysay, oo iyagu may hadlin, way ka naxeen oo dhib ayay u arkayeen, wax cid lagu eedeeyo umay arkayn, waanu soo ogaanay inaad xagayaga jilicsan aad eeganayso oo aad magac ku heleyso.! Wax magac ah ku heli maysid”.Sidaa waxa uu Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle ku sheegay mar uu shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta.

Mar uu ka hadlayay Suldaan Cawil Fiiqle sababta ka hadlisay waxa uu yidhi“Waxa maanta naga hadliyay talaabada khaldan ee uu qaaday Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Ismaaciil Shaqale, ee uu ku adeegsanayo awooda ciidanka iyo darajada, Madaxweynuhu waa inuu ogaadaa cidda darajadii uu bixiyay waddada khaldan ku qaadaysa, cidda waddada wanaagsan ku mareysana ku ogaadaa- In Shaqale dhulka mar hore ayaa shaqada lagaga eryay, hadana waa lagu soo celiyay, tii uu xilka ku waayay ayuunbaa u muuqataa, wax hore ku gaadhay hadaad ku xisaabtami-waydo  waa dhibaato.Waxa ku saaran sharaftii Somaliland iyo sharaftii ciidamada qaranka ee dhul ha ku lumen ee ilaasho”.

Mustafe-Janaale

Hayaannews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: Janaale94@gmail.com