Hargeysa, Somaliland – Sanad guuraddii ka soo wareegtay furitaankii cisbitaalka Caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh ayaa shalay magaaladda Hargeysa lagu qabtay taas oo ay ka soo qaybgalleen Dhakhaatiir, wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan, masuuliyiinta cisbitaalka, dhakhaatiirta ajanabiga ah iyo hawl-wadeenadda cisbitalka iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn munaasibadan furitaanka xaflada masuuliyiinta ka socday dhakhtarka Maxamed Aadan Sheekh waxa ka hadashay Dr. Faadumo Maxamed Liibaan oo mahad naq balaadhan usoo jeedisay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Somaliland iyo marti sharafta kale ee ka soo qayb gashay xaflada sanad guurada labaad dhakhtarka Maxamed Aadan Sheekh.
“Waxa aan maanta (Shalay) halkan isugu nimiid xus la xusay dhakhtarka Maxamed Aadan Sheekh oo uu dabaal degayaa sanaad guuraaddii labaad ee la furay cisbataalkan, waxan marka kowaad uu mahad celinayaa wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimadka Somaliland Nimco Xuseen Qowdhan oo ka soo qayb qaadatay xafladan.”ayey tidhi Dhakhtarka Faadumo Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta cisbitaalka Maxmed Aadan Sheekh, waxaanay intaas ku dartay “Cisbitaalka Maxamed Aadan Sheekh oo maanta uu furan yahay muddo laba sanadood ah mudadaas oo uu daweeyo ama eegay tiro gaadhaysa 21,500 oo caruur ah loo adeegay, adeegyadaas oo marwalba ay bilaash tahay sidaa dawooyiinka caruurta haddii ay tahay in dibada lagu siiyo iyo marka la dhigo dhakhtarka Waararka oo runtii ku xidhan tahay xaalada caafimaad uu ilmahaasi ku sugan yahay.”
Dr. Mahad Cali oo ka mid ah khubarada dhakhaatirta ka hawl gala Cisbitaalkan Maxamed Aadan Sheikh, isagu hambaalyo u direy shaqaalaha ka hawl gala cisbitaalka ee kuwa ajaanibka iyo kuwa uu dhashay Somaliland oo dhambaalkaas uu direy maamulka guud ee cisbitaalkaas.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qowdhan ayaa sheegtay hambalyo u dirtay dhamaan musuuliyiinta iyo shaqaalaha ka hawlgalaa cisbitaalka Maxamed Aadan Sheikh, iyadu mahad gaar ah u dirtay dhakhaatiirta ajaanibka iyo soomaalida ka hawlgala dhakhtarka.
“ugu horeyn waxa aan halkan ugu mahad naqaya cidii inuu fulisay dhismaha cisbitaalka la yidha MAS iyo dhakhaatirtaa Torino, oo aan marlabaad u soo jeedinaya dhakhaatiirta ajanibka ah ee inuu hurro wakhtigooga qaaliga ah habeen iyo maalin iyagu volunteer ah uu adeega bulshada reer Somaliland ay ugu yimaadaan cisbitaalkan. Waxa aan marka dambe uu soo jeedinayaa dhakhaatiirta Soomaalida ah oo runtii iyagu leeftoodu u huray wakhtigooga qaaliga ah habeen iyo maalin, runtiina cisbitaalkani waa wax weyn haddii aanu nahay qarankan aynu ku faano ee Somaliland oo ka midhaha ay xukumadan ay tirsaneyso oo ka mid ah midhaha ugu qaalisan ay tiirsaneyso ayuu cisbitaalkani ka mid yahay.”ayey tidhi marwo Nimco Qawdhan, waxayna intaas ku dartay “ Sida ay Dr. Fadumo ay kaga dhowaajisay laba jirka uu laba jirsaday kow iyo labaatan kun oo caruur ah oo runtii ah tiro aad u badan oo lagu farxi karo ayaan odhan kaara, in tirada intaa le’eg lagu daaweeyey oo cisbitaalkan mudadii labada sano uu furnaa.”.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI