ilhaan Maxamed Jamaac Oo Ka Warbixisay Halka Uu Marayo Dhismahaa Wadada Ceerigaabo

0
368

Ceerigaabo, Somaliland – Marwo Alhan Maxamed Jamac oo ka mid ah gudida qadhaan ururinta dhismaha wadada Ceerigabo ee gobolka Sanaag uu magacabay madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa ka warbixisay halkaa uu marayoo mashruuci wadadu iyadu baaqna uu dirtay bulsho weynta reer Somaliland.

Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac sheegtay mashrucaa wadada Ceerigaabo anay hawl yarayn oo uu bahan dhaqaale add uu baladhan, lakinse bulshadaa reer Somaliland mahaad naaq baladhan uu soo jeedisay sidaa ay uga hawl galeen gudu iyo dibaada ee uu dhashay dalka Somaliland ay uu hureen lacagta.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

“Horta mashruucan wadada Ceerigaabo waa mashruuc baladhan weyaan ilayn awalba wadoyiin yar yar anuu kab-kabno iyo 5 km iyo 10 km ayanu dhisaney. Anagu marka hore 30 killomiitiir banu gacanta ku hayne, marka 30ka KM garaaciisti carratuulka ah oo mar hore laa dhameyee iyo damuurkii oo la dhigey baa imika ka socdaa.

Waxa kalo wadadu laga soo wadaa dhinaca ina afmadoobe waxa lagu dhamaystiray damuurki 5 Km intii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo maalinti dhoweyd u dul maray, 5ta kale ee hadhsana ayaa hataan damuurki lagu wadaa oo Iyana lagu dhamaystiri dona. Waxa kalo iyaduna dhinaca magalada Ceerigaabo ka socda 20 kilometer oo kale baa laga soo wadaa, halka ina afmadoobe-na ila iyo war-Iidaad waxa la soo wada 40 kilometer iyo inta kale oo laga soo waadi dono labada degmo ee kale.

Sidaas bu-boqolkii kilometer ee madaxweyne Axmed Siilaanyo uu dhagax dhigey maalinti dhoweyd ku dhamaneyaan, inkasto ay wadadan anay fududeyn oo 100 kii kilometer ee madaxweynuhu dhagax dhigey anay meel keliya ahayn, inta uu badan ay kala go’antahay.

Marka qolaadii surveyga qadayse oo hataan jooga barkada Cali Xirsi oo sahaamineyaa dhulka carratuulkiina ay ku socdaan wadada inteeda kale, oo la donayoo inn ay dhamaato 3da bilood ee soo socda in shaa Allah.” Sidana waxa tidhi marwo Iilhan Maxamed Jaamac.

Marwo ilahan maxamed Jaamac waxa ay ugu baaqday bulshada reer Somaliland walibana gaar ahan reer Sanaag gudu iyo dibaad ba, inn ay sanaadkan door weyn ka qataan dib u dhiska wadada Ceerigaabo iyadu uu soo jeedisay inn sanadki hore ay jireen abaaro, lakinse ay sanadkan cusub ilahay uga baryaysa sanaad barwaaqaysan inoga dhigo.

“Dadweynaha reer Somaliland waxa ann uu direyaa inn sidii markii horee anuu hawshan ku guntadnay mashrucaan madaxweynuhu umu dhagax dhigin dowlada oo keliya, ee waxa uu dhagax dhigey bulshada reer Somaliland oo dhan ayuu u dhagax dhigey. Gaar ahaana dadka reer Sanaag, umada reer Somaliland oo dhan waxanu uga coodsanayna sidii sanaadkii hore ay uu hureen lacagta inay sanadkan ay huraan oo kale, sanadkii hore wuu dhamaday marka sanadkan sii le’eg u huraan sidaa ay missaniyaada qaranka oo kale ay sanadkan ugu tala galeen.

Waxa ann umada reer Sanaag gar ahaan baaq uu direyaa meel walba ay joogan codsii gaar ah uu direyaa, dhismaha wadada way ka gabiyeen marka waxaa ann leeyahay sanadkii abaaraha ayaa badnayd, markaa sanadkan bulshada reer Somaliland ee kale yanay idinka badiinin.”