Halkan Ka Akhriso Waraaqda Wasiirka Qorsheynta Oo Amar Ka Soo Saaray Khilaafka Dalada SONYO

0
333

Hargeysa, Somaliland – Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr: Sacad Cali Shire ayaa amar ka soo saaray xil wareejinta Daladda Sonyo waddo oo uu sheegayin illaa inta laga heshiinayo aan lagu degdegin xil wareejin.

Wasiirka ayaa sheegay in cabasho uga timid ururadda qaarkood kuwaas oo ka cabanaya qaabkay doorashadda SONYO u dhacday, waxaanu usoo gudbiyey qoraal uu kaga dalbanayo in dhinaca kale usoo gudbiso cabashadoodda si loo soo afjaro khilaafka ka jira Ururadda Sonyo.

Wasiirka ayaa sidaas ka sheegay qoraal uu usoo gudbiyey Dalladda Sonyo, wasaarada Ciyaaraha iyo waaxaha ay khusayso, waxaanu sheegay in cabasho ka timid ururadda qaarkood kuwaas oo loo baahan yahay in la xaliyo.

Qoraalka wasiirku ka soo saaray khilaafka ka jira daladda Sonyo waxa ay u qornayd sidan:

Anagoo tixraacayna warqadaha cabashadda ah ee naga soo gaadhay ururada ka mid ah daladda Sonyo, kuna taariikhsanayd 14/1/2015 soona gaaadhay wasaaradda 21/1/2015 iyo warqadda iyaduna ahayd cabashadda ee ku taariikhsanayd 4/1/2015, soona gaadhay wasaaradda 06/1/2015.

Sidaa darteed, anagoo raacayna sharciga ururadda ee fulinteedda ay masuul ka tahay wasaarada qorsheynta qaranka, isla markaana marayna nidaamka xalinta khilaafaadka ee ururadda, waxaan idinku amrayna inaad joojisaan wixii dhaqdhaqaaq ah, gaar ahaan xil wareejinta maadaama oo laba dhinac isku hayaan hogaanka ururadda inta la xalinayo khilaafka dhexyaal labadda dhinac.

Fadlan noo soo gudbiya aragtidiina khilaafkan iyo cabashadda ku saabsan oo qoraal ah.

Sidaasi iyo wada shaqayn wacan.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta Somaliland

Sacad Cali Shire”

Si kastaba ha ahaatee, waxa maalmaha soo socda magaaladda ka qabsoomaysa xil wareejintii daladda sonyo ay ku kala wareegayeen hogaanka cusub iyo hogaankii hore, haseyeeshee waxa arrintaasi cabasho ka muujiyey ururo sheegay in aanay ku qanacsanyn doorashaddii dhacday, isla markaana cabasho ula tagtay wasaaradda Qorsheynta taas oo wasiirkuna soo dhexgallay, iyadoo hogaanka cusub iyo hogaanka ku wareejiyaba ay jawaab falcelin ah u usoo gudbin doonto waxay ka qabto qoraalka wasiirka Qorsheynta sida uu ku cad qoraalka wasiirku kag dalbanahyo in dhinacooddu soo gudbiyaan qoraal jawaab ah cabashadda dhinaca kale.

Garab uu hogaaminayo mid ka mid ah labaddii musharax ee u taagnaa guddoomiyenimaddii daladda ayaa isagu qaadacay doorashadda dhowaan dhacday, waxaanu hore qoraalo ugu gudbiyey hay’adaha la shaqeeya daladda uu kaga dalbanayo in aanay wada shaqayn la yeelan daladda taas oo si weyn uga xanaajisay inta badan ururadda ku bahoobay dalladda.

HALKAN KA DALAACO WARAAQDA WASIRKA QORSHAYNTA SOMALILAND:

warqada-wasiirka-Sacad