DAWO: GARABKII DALLADA SONYO Ee Doortay GUDDOOMIYE CABDICASIIS XIRSI WARSAME Oo Balaan Qaday INUU BAD-BAADIYO Ururkaas

0
308

Hargeysa, Somaliland – Garabka daladda dhallinyaradda Somaliland, ee SONYO, ee Guddoomiyaha u doortay Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa kulan ballaadhan oo ay maanta ku qabteen Hutel Royal, ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay ku soo bandhigeen warqad uu Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, uu ku hakiyay xil-wareejinta dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO, oo uu muddooyinkii danbe ka jiray khilaaf weyn oo sababay in ay laba garab u kala jabto SONYO, iyada oo garab weliba uu doortay Guddoomiye.

Iyada oo kulankan ay isugu yimaadeen dhallinyaro tiro badan oo ka kala socday Urrurada ku midoobay daladda SONYO, ee taageersan Guddoomienimada Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa si weyn u canbaareeyay kuna timaamay mid qeyrul sharci daro ah oo cadaalada ka fog xil-wareejinta garabka kale ee SONYO, ee maanta xil-wareejinta sameeyay oo ay sheegeen in uu wato Wasiirka Dhallinyarada Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, oo soo saaray warqad lidi ku ah oo ka hor imanaysa warqadii uu Wasiirka Qorshayntu ku hakiyay in wax xil-wareejin ah la sameeyo intaa iyo inta xal laga gaadhayo khilaafka u dhaxeeya labada garab ee ay dallada SOMYO u kala qaybsantay.

HAKAN KA DAWO: