Xogo Dheeraad Oo Ku Saabsana Markab Saanad Milateri Sida Oo Dekedda Berbera Laggu Qabtay

0
299

Berbera, Somaliland – Ciidamada Ilaalada Badaha Somaliland ayaa habeen hore saacadihii dambe la wareegay markab Dekeda Berbera ku xidhnaa oo lagu magacaabo MV Shaker, kaas oo laga war helay inuu siddo saanad Milateri ama Ciidan oo isugu jirta Gaadiidka Ciidamada ee Gaashaaman, iyo hub ciidan oo altaleri, tikniko, qoryaha fudud iyo rasaasba, iyadoo aan ilaa hadda la ogeyn xadigga ama tirada saanaddaasi ka kooban tahay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee Saaxil, Maxamed Cabdillaahi, Markabkan ayaa muddo hada laga joogo saddex maalmood ka hor ku soo xidhay Dekedda Berbera isaga oo sida la sheegay ka soo kicitimay dalka Isu-taga Imaaraatka Carabta balse ku soo hakaday Dekedaha Mombasa, Kenya iyo Port Sudan, Sudan, dekedahaas oo la sheegay inuu ku soo rogay badeecado uu uga soo waariday Dalka Isutaga Imiraatka Carabta.

Hase yeeshee sida ay muujinayaan Shabakadaha la socodka dhaqdhaqaaqa marinadda badaha, waxa Markabkan u qorshaysan inuu ku sii hakado dekedo ku yaal Badda Cas, balse lama hayo xog sax ah oo muujinaysa meesha uu u socday ama shixnaddan Milateri uu ku wadday, iyadoo mareegaha gaadiidka badda qaarkood sheegayaan in dekedda Port Sudan uu u socdo oo aanu hore u soo marin. Sidoo kale, qaarkood muujiyeen inuu Djabouti soo maray.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Shaker ayaa mudo sadex maalmooda ku xidhnaa Dekedda Berbera ayaa waxa uu Somaliland u siday Gaadiid tiradooda lagu sheegay 120 baabuur oo gaadiidka yar yar u badan, waxaana saanadda milateri ee uu sida la ogaaday markii laga dhameeyay gaadiidkii uu Dekeda Berbera ku rogaayay. iyada oo warka sheegmada ahna laga helay ragga muruqmaalka ah ee markabkaasi ka rogaayay gaadiidka oo Ciidamada Booliska saldhigga Dekeda iyo kuwa Ilaalada Xeebahaba ku wargeliyay in markabka MV Shaker uu siddo saanad Milateri oo isugu jirta Hub iyo gaadiid Ciidan oo gaashaaman, kadibna ay Ciidamada ilaalada Xeebaha oo saldhig weyn ku leh agagaarka Dekeda Berbera markabkaasi la wareegeen ilaa haddana ay ku haystaan.

Waxaana wararka hubka markabkani sido la xidhiidhaa sheegayaan in aanay waraaqda manaasiifta ee sheegaysa badeecada uu markabku sido ee loo soo gudbiyo Dekeda iyo kastamka aanay ku qorayn in badeecad kale oo markabku dal kale u siddo, taasina ay abuurtay shaki weyn, iyadoo wakhtigaas uu magaalada Berbera ku sugnaa wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo).

Waxa kaloo la sheegay markii nimanka Badmareenada ah ee markabka wata la weydiiyay meesha oo hubkani ka soo qaaday iyo halka uu u sido ee laga leeyahay ay ka gaabsadeen inay sheegaan marka laga reebo hadal kooban oo kabtanka markabkaasi wataa ku sheegay inuu hubkan iyo saanaddan Milateri laga soo saaray dalka Sudan oo uu socodkan ka soo kicitimay hase yeeshee wax dhukumentiya oo cadeynaya inuu dalkaasi ka soo qaaday saanaddan Milateri muu soo bandhigin iyo sidoo kale cadeymo sheegaya dalka uu u sido.

 

Arrintan oo ilaa habeen hore la qarinaayay ayaa shalay hadal hayntiisu suuqa soo gashay kadib markii shaqaalihii habeen hore ka shaqeynaayay ee soo sheegay suuqa kaga sheekeeyeen.

Markabkan MV Shaker ayaa hore badeecadaha ganacsiga iyo gaadiidkaba u keeni jiray Dekedda magaalada Berbera oo ahaa mid u kala adeegi jiray Dekedaha Berbera Iyo Xamariya ee Dubai.

 

Markabkan Saanadda Milateri ee bilaa sharciga ah sida oo ku soo beegmay Xili ay Berbera ku sugnaayeen wefti balaadhan oo Madaxweynaha Somaliland hoggaaminaayay ayaa laga horjoogsaday inay warbaahintu gasho oo sawiro ka soo qaadato, sidoo kalena wax wara Maamulka Dekeda Berbera iyo ka ciidamada amnigu toona kamay soo saarin balse Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde oo ku sugan Berbera kana mida weftiga Madaxweynaha ayaa arrintan uga waramay idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga, isagoo sheegay in markabkan wakhtigii Alaabtii uu Berbera u siday laga dejinayay uun lagu arkay Hubka Markabku sido isla markaana Hubku aanu ku jirin Qoraalka muujinaya agabka uu sido ee uu soo gudbiyay.

“Markabku wuxuu soo galay Dekedda, waxaanu Berbera u siday Bagaash iyo Gaadiid, markaa kolkii laga rogayay ayaa lagu arkay Hub milateri oo ku dhex jira. Hubkaasina runtii kumuu jirin Maana siifta (Warqada ay ku cad yihiin Waxa uu markabku sido) uu soo gudbiyay, markaa waxay noqotay inaanu baadhno si aanu u ogaano Hubkaas Sharciyaddiisa iyo cida leh iyo meesha uu ka yimid” ayuu yidhi Cali Warrancadde.

Wasiirku waxa uu faahfaahiyay Noocyada Hubkan Markabku siday “Wallaahi wuu badan yahay Hubku, waxaa ku jira Baabuurta Gaashaaman iyo Artilariga boqol iyo dhawr iyo labaatanka Milimitirka ah baa ku jira, Beebee baa ku jira, dhawr baabuur oo kuwa Tiknikada ah baa ku jira, waxaa ku jira baabuurta Qufulan ee Ciidamadu fuulaan, waxaa ku jira Baabuurta kale ee Balad buruufka ah (Aan rasaastu Karin), doon weyn oo kuwa dagaalka ah ayaa ku jirta” ayuu wasiirku yidhi

Wasiirku waxa uu sheegay inay baadhisi socoto, halka uu wasiirku ka xusay in Nimanka wata Markabku ay sheegeen in dalka Sudan laga soo saaray Hubka balse aanay hayn wax caddayn ah sidoo kalena may sheegin meesha ay hubka geynayaan iyo dalka laga leeyahay toona, waxa uu markabku ku sii jeedaa Dubai inkasta oo uu sheegay in Markabku yahay kuwa wareegga oo meelo badan oo aan la sheegin sii marayo.

Wasiirku waxa uu sheegay inay gacanta ku haynayaan inta laga helayo cidii lahayd iyo meesha uu Hubkani u socday, waxase u muuqdaan hubkani iyo saanadan ciidan mid ay qarinayaan nimanka markabka wataa marka horena ay damacsanaayeen in uu dekeda Berbera ka baxo iyada oo aan la ogaan marka uu dhameeyo gaadiidka iyo badeecada uu u siday Ganacsatada reer Somaliland.

Sidoo kale waxa aan meesha ka maqnayn in hubkani yahay mid shaki badani ku duuganyahay oo loo baahanyahay in fiiro gaara loo yeesho. hadii la waayo sharciyada uu markabkani ku siday iyo dalka laga leeyahayna waxa waajiba in Dawlada Somaliland la wareegto oo aanay ka habran, waxaana sidaas dhigay sharciga caalamiga ah ee lagaga dhaqmo adduunka.

Warar kaloo xalay naga soo gaadhaya Markabkan iyo Xaaladiisa ayaa sheegaya in khanan kaloo hub iyo gaadiid ciidan ku jiro la helay walina ay ciidankii saaraa iyo kuwo kaloo sirdooni baadhis ku wadaan, warar kale ayaa iyaguna sheegaya in xalay markii hubkani kale la helay laga rogay markabka kabtankii markabka iyo guud ahaan farsamayaaqanadii.

Dhinaca kale Wakiilka Markabkan oo lagu magacaabo Axmed Maxamud Shire oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu dhacdadan wax uga weydiino ayaanu tilifoonkiisa gacanta ku weynay kadib markii uu xidhay

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI