Wasiirka Caddaaladda Oo Dhagax Dhigay Xarun Carruurta Lagu Dhaqan Celinayo

0
351

Hargeysa, Somaliland – Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa dhagax dhigay Xarun lagu dhaqan celin doono Dhalinyarada Sharciga Khilaafta islamarkaana lagu bari doono Xirfaddo ay Nolosha kula qabsadaan.

Dhulka Xarunta laga dhisi doono Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa ugu deeqday Wasaaradda Caddaaladda, isla markaana waxaa maalgelin doonto dhismaheeda hay’adda UNDP.

Waxa xafladda dhagax-dhiga ka qaybgalay Masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradaha Caddaaladda, Hawlaha Guud, Madaxa hay’adda UNDP ee Somaliland iyo saraakiil  kale oo hay’adda ka socday.

Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud Cabdi Cali Saa’iq, ayaa sheegay in dhulkan ay ugu deeqeen Wasaaradda Caddaaladda si ay uga hirgeliso xarunta dhaqan-celinta dhallinyarada. Dhulkan ayaa ku dhegsan dhismaha Wasaaradda Hawlaha Guud amma halkii la odhan jiray Xero Shabeel.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa tilmaamay in xaruntan noqon doonto mid faa’iido badan u yeelata dhallinyarada sharciga khilaafta, iyadoo lagu bari doono farsamooyinka gacanta si ay noloshooda u dabaqabateeyaan, ugana hadhaan dambiyaday faraha kula jireen.

“Xaruntan dhismaheeda waxa naga caawinaya hay’adda UNDP, gaar ahaan qaybta Amniga bulshada. Wejiga horena waxa laga dhisi doona 4 xafiis, laba hool oo dhallinyarada wax lagu baraayo, laba qol oo ammaank ah, suuliyaashi hablaha iyo wiilasha iyo hoolal mustaqbalka tababaro lagu qabto,” ayuu yidhi Md. Xuseen Axmed Caydiid.

 

Waxa kale oo uu Wasiirka Caddaaladdu ka dhawaajiyey in wasaarad ahaan ay hay’adda gacanta ku hayaan 70 dhallinyaro xukuno ku dhaceen ah oo dhaqan celin loo samaynaayo, qaybnaka ah barnaamij dalka oo dhan laga bilaabi doono oo sii daynta shuruudaysan la yidhaa, looguna talagalay in fursad dhaqancelin iyo sii dayn la siiyo dadka dambiyada fudud gala ee da’ yarta u badan.

Madaxa Hay’adda UNDP ee Somaliland Mr. Steven, ayaa laf ahaantiisu sheegay in xaruntan ay fursad u noqon doonto dhallinyaro badan oo dambiyada ku lugta leh, kuwaasoo noloshooda wax badan lagaga beddelaayo, isagoo intaa ku daray inuu mashruucan in badan ka beddeli doono ammaanka bulshada Somaliland. Qandaraaska dhismaha xaruntan oo shirkadda Bulaale Construction ku guulaystay waxa lagu dhammaystiri doona sida Wasiirka Caddaaladdu sheegay muddo 6 bilood gudahood ah.