Hadal-hayn Ka Dhan Ah Wasiir Warancadde Oo Boorama Laga Soo Wariyay

0
334

Borama, Somaliland – Waxa mar kale magaalada Boorama laga hadal-hayaa warar ku saabsan khilaafka Ururka Sonyo, kaasoo badi dhallinyarada magaaladu u arkaan in  hogaamintiisa weli laga hor-taaganyahay  Gobolada Awdal iyo Sool.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Awdal Maxamed Cumar Sheekh wararka soo baxaya ilaa shalay ayaa ka dambeeyay kulanka garab kale ku sheegtay in ay yihiin hogaanka Sonyo  lagana sii daayay warbaahinta kala duwan.

Hadaba hadal-haynta dhallinyarada Boorama ee isugu timadda goobaha lagu nasto,  shaaha iyo sharaabkana laga cabbo ayaa dhawaaqan u dambeeyay ee ka soo baxay ururka SONYO  badankoodu la xidhiidhinaya arrimo door ah oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah masuulyiinta dawladda ee ilaa imika si cad uga hadli la’ cidda sharci ama sharci-darro ku sheeganaysa hogaanka ururka dhallinyarada dalka, isla markaana aan  badi ku kala duwanayn aragti  waxay ugu yeedheen   dulmiga iyo takooridda  beelaha dhexe ku hayaan beelaha darifyada, hase yeeshee ku kala aragti duwan  cidda dhab ahaantii lugta ku leh arrinkaasi reer Awdalna u diiddan xaqa dalkan ay ku leeyihiin hadday yihiin beelo iyo hadday yihiin masuuliyiin dawladeed.

Hadaladana u dambeeyay ee ka soo baxaya dhallinyarada Boorama inta xaalka SONYO la socotaa ayaa doorkan ama wakhtigan shiishka  ku saaray wasiirka daakhliga Mud Cali Maxamed Warancadde  iyo qaar ka mid ah masuulyiinta  xisbiyada  siyaasadda.

Haddaba hadalada maanta iyo shalay ka soo kordhay hogaamainta SONYO ayaa waxa ka hadlay  rayigoodana ka dhiibtay xubno isugu jira dhallinyaro  caadi ah, kuwa ururro  ka tirsan, kuwa siyaasiyiin  ah iyo kuwa beelo ah. ugu horreyn waxa dood ka dhacaysay goob ka mid ah magaalada si cadho leh rayigiisa ku yidhi  nin magaciisa ku sheegay Ciise Gaaguri ”Midninimada iyo dawladnimada Somaliland innaga uunbaa daba soconna  ee  reerahaasi way tashadeen, waxayna ku tashadeen  inaanaan wax xil ah oo heer qaran ah oo hay’ad ah ka qabanin dalka. waxa la yidhi wasiir Warancadde ayaa doonaya inuu kursiga SONYO siiyo wiil uu adeer u yahay,  waa ninkaan  ku xusuusnanno dawaladii Rayaale ee aan la lahayn  Dawladda Kulmiye wuu idinka celin doonaa isagaaba nagaga daraaday,  kuwaan lahayn waa cadow,  waxa nagaga sii daran wasiirkii  hawlaha Guud ay ilmaadeerka  yihiin ee la yidhaa Siciid Sulub, wuxu yidhi waa la ogaa, waxa nagaga sii daran kan Haysta xisbiga WADDANI ee aan shalay ka daafacnay  in xilka laga qaado, xildhibaanadeeniina ka baxeen  ee aan marna ka hadal xaqa aan u leenahay inaan mansabka dhallinyarada SONYO qabanno doorkan reerkan maxaa nagu diray, Reerihii kaleba naguma haystaane.”

Nin naanaystiisa ku sheegay  Shootoli ayaa isna yidhi “Waxa la yidhi   dhallinyarada reer Burco, reer Gebilay,  reer Berbera, reer laascaanood, iyo reer Ceerigaabo nooma diidadana in Siyaad Cumar loo doortay hogaaminta Sonyo, waxa kale oo la yidhi reer Hargeysa nooma diidana kursigaasi ee waxa diidan baa la leeyahay reer New Hargeysa, waa qolada wasiir warancadde,  suldaankooda, iyo baayacmushtarkoodaba iyo xaafadaha Hargeysa ee ay degaan beelaha taliyaha  dhan ee bileysku, haddaaban u deynno maxaa dhici intii kaleba saw kuwa haysta beelaha dhexe  ee weliba diiday inay dhegeystaan  baaqii odayaasheenna ”

Nin kale ayaa isna yidhi. “Dadka aad leedihiin waa wada Warancadde oo waxba nooma oggola  maaha dad isku mid ah waxa ku jira beelo iyo dadweyne kale oo wanaagsan  jecelna in midnimo iyo nabad lagu wada noolaado. laakiin masuulyiintii dawladda  qaarkood hadday dawladii  ay ka  tirsanaayeen ridayaan oo ay  meelo kale  doonayaan ama mucaaradka la socdaan maxaa la odhan ? saw ma ahayn in madaxweynuhu   arrimahan ka hadlo ama go’aan kasoo saaro, meesha riwaayadbaa la isku dhigayaa,  imika bal eeg wasiirka guduhu muxuu ka doonayaa xilkan  SONYO hadii loo dhiibo inanka uu adeerka u yahay, waa la iska  garanayaa . wuxuu u jeedo….”

hadaladan loogu duurxulay wasiir daakhilga  laguna xidhiidhiyey lugta uu ku leeyahay ama anu ku lahayn  khilaafka SONYO ayaa u muuqda kuwa wasiir Warancadde markii ugu horreysay u  dhallinyarada reer Awdal  ama reer Boorama kaga kasban karo  dareenno  ka duwan kuwii lagu soo dhaweyn jiray wakhtigii Rayaale iyo kaddibba, kana muuqan jirteen  farxad iyo walaalnimo,   marka lagu daro safarkiisii u dambeeyey ee Boorama, lana ogaa bannaanbaxyadii lagu salaamay  wufuud badan oo ka tirsan xukuumadda wakhtigan .

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI