Boorama, Somaliland – Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday saldhiga booliska ee magalada Boorama uu ahaa mid sahlan islamarkaana anay wax khasaare ahi ka dhalan, isagu
Xalay abaaro saqbaadhkii habeenimo ayaa dablay aan la aqoonsan rasaas huwisay saldhiga ciidanka booliska ee magaladda Boorama, iyadoo ciidamaadasina ay rasaas jawaab celin ah ka dibna ay kooxdasii goobti saldhiga ka baxsatay.
“Horta Rasaas way dhacday laakiin, sida loo buun-buuninayo may ahayn, Ciidanka Booliskuna kolay wax way rideen markay maqleen Shanqadha xabbadda dhinaca kale laakiin wax weyn may ahayn ee markii Xabbadda Ciidanka ay maqleen meesha way ka yaaciin (Kooxda Booliska Rasaasaysay), laakiin, wax weyn oo dhacay oo la odhan karo wax khasaare ah ayaa dhacay ma jirto” ayuu yidhi Mr Xaddi.
Maayarka Boorama oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay ilaa hadda jirin cid lo ohayo Rasaastaasi. Waxa uu sheegay inay Laamaha amaanka iyo Militariga ka wada hadleen arrinta balse aanay jirin wax amni darro ah oo hadda taagan.
Waxa uu Bulshada reer Awdal ugu baaqay inay ilaashadaan Amaankooda oo uu sheegay inuu cid walba u yahay dan.
Warar ay Baahinayaan Mareeggaha fadhigoodu yahay Boorama ayaa ku waramaya in baraha Bulshada ay ku faafiyeen Dad taabacsan Suldaanka Buuraha Galay ee Wabar oo sheeganaya Masuuliyadda rasaasta Booliska lagu riday.
Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa ah meelaha ugu amaanka badan Somaliland tan iyo 1991-kii, balse Bilihii u dambeeyay waxaa jiray tabasho soo shaac baxday oo bulshada Awdal ka qabto dhinaca Kuraasta Qaranka iyo Shaqaalaha Dawladda.