Sanca, Yemen – Madaxweynihii dalka Yemen Cabdulrabbu Mansour Xaadi, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii hoggaamineed uu dalkaas ka hayey, kaddib markii qasriga madaxtoyada dalkaasi ay qabsadeen Dagaalyahannada Xuutiyiinta oo todobaadkii hore weerar ku qaaday xarumaha dawladda oo ay ku jirto madaxtooyada iyo Aqalka Raysalwasaaraha dalkaas.
Dalka Yemen oo ka mid ah dalalka gacan-saarka kala leh wadamada reer galbeedka la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, ayaa sannadkii uu dambeeyey ku gudo-jiray dagaallo sokeeye oo u dhexeeya Xukuumadda iyo Mucaaradka, kaddib markii sannadkii 2013-dii kacdoon shacbi xilka lagaga tuuray madaxweynihi hore Cali Cabdala Salaax oo wakhtigan lagu tuhmayo inuu dabada ka soo riixayo dagaalyahannada Xuutiyiinta.
Waxa kale oo isla caawa is-casilay dhammaan golihi wasiirrada ee xukuumada madaxweyne Cabdiraabi Mansour xaadi, inkasto laa sheegay in guddomiyaha barlaamanaka dalkasi uu ka soo horjeestay iscasilaada golaha xukuumadda, waxaanu isla markiiba isugu yeedhay kulan deg-deg ah oo caawa ka dhacay xarunta Aqalka Baarlamaanka.
Afhayeenka dowladda Yemen oo lagu magacaabo Rageh Baadi, ayaa sheegay in sidoo kale uu casilay Raysal wasare Khalid Bahah, balse ma sheegin sababta uu isku casilay.
In kasta oo uu shalay dhacay Heshiis qaramada Midoobay dhex-dhexaadiye ka tahay oo dhexmaray dawladda iyo Kooxaha Mucaaradka, haddana lama garanyo sababta keentay is-casilaadda masuuliyiinta ugu sarreysay dawladda Yemen.
Hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta ayaa soo dhaweeyey go’aanka iscasilaadda dawladda Yemen, waxaanay ku dhawaaqeen inay dhisi doonaan Gole ay iyagu gadh-wadeen ka yihiin oo la wareegi doona hoggaaminta talada dalkaas.
Kacdoonkii xukunka lagaga tuuray madaxweynahii hore ee dalka Yemen Cali Cabdala Salaax oo mudo 30 sanado in ka badan xukunka dalka haystay, ayaa ka shidaal-qaadanayey Kacdoonno ka dhacay waddamada Carabta, kaas oo September 11 sannadki 2011 ka bilaabmay dalkaas, aakhirkiina sababay si khasab ah xukunka lagaga tuuro madaxweyn Cali Cabdalle Saalax.