Sannadihii u dambeeyey waxa dhulka Soomaalida ku soo badanayey Buugaagta ay qorayaan Qorayaal da’yar oo Eebbe hibo u siiyey Curinta qoraallo xambaarsan sheekooyin iyo dhacdooyin, kuwaas ay bulshada ugu faa’ideeyaan. Qoraa Kasta oo hibadiisa ku soo bandhiga buug ama Wargeys, waxa uu ogsoon yahay in wax kasta oo maskaxdiisa ka soo baxay oo tacab badanina kaga baxay, marka laga yimaaddo inay tahay xuquuqdiisa in lagu tixgeliyo, haddana waxa lagama maarmaan ah in lahaanshiyaha qoraalkaas ama buuggaasi farahiisa ka baxay kuna wareegay bulshada uu ugu talo-galay inuu u gudbiyo, kuwaas oo qiimayn kara, naqdin kara isla markaana tilmaamo kara khaladaad ku jira, wixii saxsana ku bogaadin kara qoraaga tacabku kaga baxay.
Haddaba, warbixintani waxa ay si qoto-dheer uga hadlaysaa sida ugu habboon ee loo naqdiyi karo buug ama qoraal uu qof soo bandhigay iyo fal-celinta qoraagu kaga celin karo haddii uu deel-qaaf ama gef ama toosin kala kulmo bulshada uu Curintiisa ama taariikh-ururintiisa u hibeeyey.
Warbixintan oo uu diyaariyey Wariye Cabdishakuur Muxumed (Heersare) oo ka tirsan Idaacadda Radio Hirad, kaga bogo xagga hoose oo nala dhegayso:
NALA DHEGAYSO WARBIXINTA
CodkaHargeysa.com
Info@codkahargeysa.com