”Anigu Maamul Dawlad hoose maan dhaliilin, ee laba qodob oo lay waydiiyey ayuun-baan ka jawaabay.”
Hargeysa, Somaliland – Maayirkii hore ee Caasimada Hargeysa Cawl Cilmi Cabdale, ayaa markii ugu horaysay sawir ka bixiyey aragtidiisa ku aadan bilicda, qorsheynta iyo qaab magaalleedka casriga ah ay caasimada Hargeysa ka socda, isagu muddo dheer ka ahaa maayoor xilligii dib u dhiska dalka ee lagu soo noqday dalka.
Cawl Cilmi Cabdalle oo Maayirka Caasimada Hargeysa uu xilkaa kala wareegay Axmed Cabdi Dheere oo usoo magacabay xilka mayoornimo madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim cigaal (ilahay ha uu naxariste) ka hor intan laa qabaan dorashoyinka goalayaasha degaanka sanaadki 2002.
Cawil Cilmi Cabdale oo lagu xasusto ay ka mid ahayeen qorshaha dhismaha suuqyada wa weyne Waaheen iyo Gobanimo. Waxa kalo lagu xasusta mayor Cawil Cilmi Cabdale insharooyiinka wadoyinka uu ka hirgeliyee casimaada dalka iyo astaanta xususta badan ku leh bulshada reer Somaliland ku taalo badhtamaha magalada Hargeysa. Hasee ahaatee waxa Cawil Cilmi sheegay inay jiraan waxyaabo ka mid ah waxqabadkiisii oo halkii uu kaga tegay ku baaba’ay, oo aan xataa dayac-tir lagu samayn.
“Ninka doonaya inuu wax qabto ee aanay Dadkuna doonayn wuxuu qabtay feejignaan badan ayaa looga baahanyahay, markaa horta magaaladu taan xukumi jiray maaha hada” ayuu ku sheegay Waraysi uu siiyey Wakaallada Wararka Gobonimo news.
Cawl Cilmi Cabdalle, waxa talooyin u soo jeediyay Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa, talooyinkaasoo ku saabsan qurxinta Magaalada, dayactirka goobaha Taariikhiga ah, hogaamintooda maamul iyo xogogaal u noqoshada baahiyaha Bulshada ay xukumaan, “Magaaladu waxay baahantahay Laydhkii Waddooyinka, Diyaaradii Magaaladii Khayriyada Saarnayd waxay u baahantahay in la rinjiyeeyo.”ayuu yidhi.
“Maamul waliba markuu shaqada la wareego inuu wax ku sii daro, ayaynu wax ku noqonaynaa, laakiinse hadii uu wixii hore dumiyo waxba hagaagi maayaan. Iminka Golaha Deegaanka ee joogaa waxba may xumayne Maayirkii Jiciir ayaa dumiyey wax badan oo aanu Magaalada ka dhisnay, cid allaale iyo cid kala xisaabtantayna ma jirto, laakiin kuwan cusubi wali wax lagu canaanto maa jiraan.” ayuu yidhi.
Geesta kale Cawl Cilmi Cabdalle, waxa kale oo uu waraysigan ku saxay hadallo Warbaahintu baahisay oo uu sheegay in la khalad tafsiiray waraysi todobaadkan uu siiyey Warbaahinta qaar ka mid ah, kaasoo Wargeysyada ka soo baxa Caasimada Hargeysa qaarkood ku sheegeen inuu dhaliilay Maamulka Duqa Caasimada Hargeysa iyo Cabdiraxmaan Soltelco iyo Golaha Deegaanka ee uu madaxda u yahay.
Waxa uu arrintaasi ku tilmaamay arrinta sii khaladan loo turjumay, “Nin Wariye ah ayaa laba qodob i waydiiyey afar maalmood ka hor oo aan uga jawaabay, maamul dawlad hoose maan dhaliiline wixii khalad dhacay ayan tilmaamo ka bixiyey. Magaalada Laydhkeedii goor igu dambeysay la garan mayo, Diyaaradii rinjii laa maariyoo goor ugu dambeysay la garan mayo.
Hadii la mariyeyna mid iska caadiya mooyaane kii ay u baahnayd lama mariin, markaa wixii markii qoraal laga dhigay ayay sii kale u muuqdeen. Markaa hadii wixii khaldan sidii loo sheegi lahaa tafaasiil khaldan loo miicneeyo anigu sii wax loo sheegaba garan maayo, dadkeena ayuunbaa wixii si kale u sheegaya oo duwaya”.
Ugu dambeyn Cawl Cilmi Cabdalle wuxuu kula dardaarmay Golaha Deegaanka ee cusub “Golahan Deegaanka waxaan kula dardaarmayaa hogaamintiina iyo xogogaal-nimadiina kordhiya.” ayuu yidhi.